Madaxwaynaha Jsl oo shacabka ka tacsiyadeeyay geerida ku timid marxuum Xuseen Maygaag Samatar oo ku geeriyooday Hargeysa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, culimada, madaxda dhaqanka, ganacsatada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xuseen Maygaag Samatar oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa laguna aasay maanta oo ay taariikhdu tahay 01/08/2019.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay qaranka Somaliland door muhiimana ka soo qaatay dedaaladii kala danbeeyey ee qarannimada Somaliland.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, culimada, madaxda dhaqanka, ganacsatada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.