Hambalyada doorashada (WQ: Mukhtaar Xasan)

Qabashada Doorasho hal qof iyo hal cod ah way adag tahay adduunka in si dhib yar loo qabto, laakiin Somaliland iyadoo kaashanasa Bulshawaynta iyo laamaha amaanka waxa si qurux badan oo nabdoon ay u qabsanaysay labaatankii sanno ee u dambeeyay doorashooyin xor iyo xalaal ah oo la jaanqaadayaa hanaanka horumarineed ee ay ku talaabsatay Tiknooljiyada adduunku.

Maanta waxa ka qabsoomay guud ahaan gayiga nabdoon ee Somaliland doorashooyin is barkan oo bulshadu ay ku dooranayeen Metelayaasha Baarlamaanka iyo dawladaha hoose.

Warbaahinta dibadda ayaa si qurux badan u qaadaa dhigaysay hanaankan Dimuuqraadiyadeed ee dhifka iyo naadirka ku ah Mandaqadda Geeska Africa iyo Guud ahaan Adduunwaynaha, iyagoo iskaashi ka helaya warbaahinta gudaha.

Waxaan Hambalyo balaadhan u dirayaa guud ahaan bulshada ku dhaqan Somaliland, Dawladda iyo ururadda maxaliga ah sida quruxda badan ee ay ugu dhabar adaygeen qabsoomidda Doorashooyinkan Is-barkan.

 

Waa bilaahi towfiiq

Muwaadin Muktar Hassan