Hilinnada Hab Fakerka (WQ: Cabdinaasir Axmed Abraham)

Waxa jira laba hilin hab faker oo Aadamuhu kala raaco, waxa aanay kala yihiin:

1. BLACK AND WHITE THINKING: Oo ah in qofka had ba dareen keliya jiito oo qiimaynta ka lumiyo. Qofka qaabkan u fakera haddii uu wax jeclaado na waa xad-dhaaf, haddii uu wax na nacana sida oo kale.

Tusaale: Haddii wanaag kasta hore idiin dhex maro wuxuu weynaysada saaraa gefka ugu dambeeyay ee idin dhex mara. Waxa aanay kaga dhegtaa sideed waxaas iigu quudhay!?

2. DIALECTICAL THINKING: Hannaankani waa habka isku dheeli-tirka dareenada. Qofka qaabkan u fakeraana haddii uu gefo uu garaabaa, haddii lagu gefo na cadhadu ma miyir-dooriso. Waxa aanu awood u leeyahay arrinta khilaafku ka yimid xaggiisa iyo dhinaca kale labada ba ka soo istaago.

Tusaale: Haddii lammaanihiisa ay is khilaafaan oo erey gefka uu qofkani ka tirsado sidan ayuu uga fal-celiyaa; Waan ogahay hadalka aad i tidhi in aanad uga gollahayn in aad igu dhaawacdo laakiin uu i damqay, waanan dhibsaday!

Tusaalaha labaad; aan u soo qaato qofka habkan u fakera oo isagu khalad galay,

” … Hayeeshee, caweys tagay,

Midhkaan cadhada kuu idhi,

Adigu na colaadiyo,

Haw qaadan cudur-weyn,

Sida laba cadaawe ah,

Looma kala cad-goostee.”

Garawshiyo, gar-qaadasho iyo raali-gelin ayuu isku daray.