Madaxweynaha Somaliland Waxa Uu Shacabka JSL Ka Tacsiyadeeyay Geerida Ku Timid Marxuum Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule) Oo Ku Geeriyooday Hargaysa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, siyaasiyiinta dalka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule) oo ku geeriyooday maanta ย oo ay taariikhdu ahayd 12/09/2020, caasimada Somaliland ee Hargeysa

 

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi door muhiima ka soo qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadaynta shacbiga Somaliland, isagoo xilal muhiima oo kala duwan ka soo qabtay qaranka.

 

 

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, siyaasiyiinta dalka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.