Imtixaanka berri iyo ardayda u fadhiisanaysa (WQ: Ahmednour Guruje)

Isu soo baxa uu ku baaqay Xisbigga  Waddani , waa imtixaan arday  badani  berri ay gelidoonaan natiijo ay ka keenaanba .ardadayda imtixaanka u fadhiisanaysana waxaa ka midda ,

1- Dawlada oo  gelaysaa Imtixaankii koobaad ee dulqaadka , waxaana la eegayaa siday berri isu xakamayso ee ay isu ilaaliso .

2- Xisbigga waddani isna geleya imtixaan  laggu eegayo cududiisa iyo mugga taageerayaasha uu haysto , sidaa darteed waa  imtixaankiisii koobaad doorashada ka dib .

3- Xoghahaya abaabulka iyo wacyigelinta Mar Geel-jirre oo ah siyaasi muddo badan siyaasadda kusoo jiray , hassa yeeshee maanta ay isugu beegmeen sadex qodob .

1- Xilka shalay loo magacaabay oo ah xoghayihii abaabulka .

2- Xaafadda xarunta xisbigu ku taalo oo ah xaafadiisa uu kasoo jeeddo .

3- Xaalada maanta oo ah mid kakan .

intaas oo dhan darteed , wuxuu gelayaa imtixaankiisii koobaad .

4- Waxa isna imtixaankii koobaad gelaya Taliyaha cusub ee ciidanka booliska oo mudo kooban magacawnaa , magacaabistiisa iyo hawshanina isku soo hagaageen .

Intaaas oo dhamiba anigu waxaan rajaynayaa in ay berri wada guulaystaan , natijadooduna noqoto 100% isu imitaankuna ku dhamado si nabagelyo ah oo aan dhibaato lahayn .

Ugu danbayn , gudoomiyuhu wuxuu u yeedhay taageerayaasha waddani , anigu hadeer taageeri ma ihi oo waan ka waynaaday , markaa hadii aan loo yeedhin aqoon yahanka madaxa banaan aniga yeedhmadaas kuma jirro .