Isu soo baxa uu ku baaqay Xisbigga Waddani , waa imtixaan arday badani berri ay gelidoonaan natiijo ay ka keenaanba .ardadayda imtixaanka u fadhiisanaysana waxaa ka midda ,
1- Dawlada oo gelaysaa Imtixaankii koobaad ee dulqaadka , waxaana la eegayaa siday berri isu xakamayso ee ay isu ilaaliso .
2- Xisbigga waddani isna geleya imtixaan laggu eegayo cududiisa iyo mugga taageerayaasha uu haysto , sidaa darteed waa imtixaankiisii koobaad doorashada ka dib .
3- Xoghahaya abaabulka iyo wacyigelinta Mar Geel-jirre oo ah siyaasi muddo badan siyaasadda kusoo jiray , hassa yeeshee maanta ay isugu beegmeen sadex qodob .
1- Xilka shalay loo magacaabay oo ah xoghayihii abaabulka .
2- Xaafadda xarunta xisbigu ku taalo oo ah xaafadiisa uu kasoo jeeddo .
3- Xaalada maanta oo ah mid kakan .
intaas oo dhan darteed , wuxuu gelayaa imtixaankiisii koobaad .
4- Waxa isna imtixaankii koobaad gelaya Taliyaha cusub ee ciidanka booliska oo mudo kooban magacawnaa , magacaabistiisa iyo hawshanina isku soo hagaageen .
Intaaas oo dhamiba anigu waxaan rajaynayaa in ay berri wada guulaystaan , natijadooduna noqoto 100% isu imitaankuna ku dhamado si nabagelyo ah oo aan dhibaato lahayn .
Ugu danbayn , gudoomiyuhu wuxuu u yeedhay taageerayaasha waddani , anigu hadeer taageeri ma ihi oo waan ka waynaaday , markaa hadii aan loo yeedhin aqoon yahanka madaxa banaan aniga yeedhmadaas kuma jirro .