Shirka dawladaha caalamka ee sannadkan 2025ka oo ka qabsoomay dalka Imaaraadka carabta, waxa iskugu yimid hoggaamiyeyaashii ugu badnaa ee dalalka adduunka, ganacsato iyo khubarro kala duwan oo caalamiya.
Siday baahisay wakaaladda wararka ee dalka Imaaraadka carabta ee WAM, Shirweynahan oo maanta ka furmay Dubia, ayaa laga diwaangeliyay madaxdii ugu badnayd ee ka socota dunida, xeeldheereyaal takhakhusaad kala duwan leh oo ka kala yimi daafaha caalamka iyo ururro caalmiya.
In ka badan hoggaamiyeyaasha 30 dal oo uu ku jiro madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ka qaybgalay shirweynahan caalamiga ah waxa ka xaadiray ka badan 140 dawladood oo ka kala socday dunida oo dhan.
Sidoo kale, waxa shirkan goobjoog ka ah 400 oo Wasiir iyo 6000 oo martisharaf ah. Waxana ay ka qaybqaadan doonaan madaxdaasi ilaa 200 oo fadhi oo fallanqeyn ah oo lagu lafo-guri doono mawaadiic kala duwan.
Sidaas darteed, waxa uu shirkani Jamhuuriyadda Somaliland u leeyahay ahmiyad weyn waxaanu fursad u yahay weftiga madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) inay u sharraxo qarannimada iyo qaddiyadda Jamhuuruyadda Somaliland.
Madaxweynuhu wuxuu si xeeldheer ugu sharraxay madasha shirweynahaas caalamiga ah qaddiyadda Somaliland iyo fursadaha maalgashi ee ka jira. Waxaanu madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro tafaasiil ka bixiyay sooyaalka taariikheed Somaliland soo martay iyo muhiimadda bogcadda istaraatajiga ah ee ay dunida kaga taallo oo khasbaysa in caalamku la macaamilo.
Weftiga madaxweynaha waxa kaloo faa’iido labaad u ah inay kulamo doceedyo la yeeshaan hoggamiyeyaasha caalamka iyo shirkadaha caalamiga ah ee shirkan ka soo qaybgalay oo ay dhacsiin doonaan sidii ay iskaashi iyo cilaaqaad ula yeellan lahaayeen Jamhuuriyadda Somaliland.
Shirkan oo hal ku dhegiisu yahay “qaabeynta mustaqbalka dawladaha.”
Waxa la bilaabay sannadkii 2013kii, waana madal isku keenta madaxda adduunka iyo maalgashadeyaasha caalamiga ah. Waxaanu madaxweynaha Somaliland ku tagay martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dawladda Imaaraadka carabta.
Xigasho:Telefiishanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland
Bandhige@gmail.com