Iskaashiga Afrika iyo Turkiga (WQ: Caynaan Faarax Caynaan)

Dalka Turkiga oo ah dal aad u danaynaaya qaarada Madow ee Afrika, ayaa rabba in uu saamayn ku yeesho guud ahaan qarada Afrika. Turkiga ayaa qabanaya shirkii sadexaad ee isaga iyo Afrika wana mid dan wanaagsan u leh dalalka Afrika si ay horumar waara uga gaadhi lahaayeen dhinacyada ganacsiga, beeraha iyo tagnoolajiyada.

Turkida ayaa xidhiidhka ganacsi ee ay la lahaayeen qaarada Afrika waxa uu ahaa sannadkii 2003, 5.4billion, halka uu sannadkan 2021, uu gaadhay 25.3billion. Halka maalgalinta tooska ah ee ay qaarada Afrika ku sameeyeen ay ahayd 100million, hada ay tahay 6.5billion, lacagtan oo lagu maalgaliyey horumarinta kaabayasha dhaqaalaha.

Dalka ugu balaadhan Afrika ee ay la leeyihiin iskaashiga ganacsi, waa dalka Koonfur Afrika.

Sidoo kale shirkada duulimaadad ee Turkida ayaa ahayd mid samaysa duulimaado kooban sannadkii 2003, halka ay hada duulimaadada ay samaysaa gaadhayaan ilaa 51duulimaad guud ahaan qaarada Afrika.

Dhanka tacliinta Turkidu, waxa ay deeq waxbarsho siiyeen ilaa 14,000 oo araday oo Afrikan ah, oo isgu jira heererka kala duwan ee aqoonta sida darajada kowaad, mida labaad iyo heerka sadexaad,tan iyo sannadkii 1992, hala ay 175 iskuul ay ka dhiseen qaarada Afrika.

Xaga ciidamada Turkidu, waxa ay saldhiga ciidan ee ugu wayn ku leeyihiin caasimada Soomaliya ee Mugdisho, waxaanay tababar iyo taakulo ciidan siiyaan dawlada Soomaliya.

Sidoo kale waxa ay rabbaan in ay ka iibiyaan dalal Afrika ka mida diyaaradaha aanay cidi wadin ee drones ka ah, wadamada Angola, Nigeria, Burkinafeso iyo Leberia, si ay isaga caabiyaan kooxaha argagixisada ah, Turkidu waxa ay ku jiraan afarta dal ee ugu horeeya samaynta diyaaradaha aanay cidi wadin wana Maraykanka, Israa’iil iyo Jayna.

Hogaamiyasha aan ahayn kuwa qaarada Afrika, ayaa dhammaantood raba ama danaynaya in ay ka faa’iidaystaan khayraadka dihin ee dhex ceegaaga qaarada Afrika, balse aanay aad u fahamsanayn hogaamiyasha qaarada Afrika.

Qore: Caynaan Farax Caynaan

ainaan2018@gmail.com