Kurdiyiintu Waa Bulsho Noocee ah? (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Meel-ka-soo jeedka magaca KURDI ayaa ka soo farcantay boqortooyo ka jiri jirtay dalka Iiraan oo la odhan jiray (Middle Persian) ka hor intii aanu Islaamku gaadhin dhulka haatan la yidhaa Iiraan. Waxaanay ahaayeen qoomiyad reer miyi u badan oo ka tirsanayd boqortooyadaasi, hasayeeshee markii uu Islaamku gaadhay Iiraan ayaa loo beddelay carabi oo ay noqotay KURDI.  Haddii aynu dul-istaagno Kurdiyiinta siduu xaalkoodu ahaa taariikhiyan. Kurdiyiinta ayaa lagu sheegaa inay tiro ahaan yihiin inta u dhaxaysa 25 ilaa 35 Milyan oo qof, kuwaasi oo ku nool dhulkii hore loo odhan jiray Mesopotamia oo wakhtigan noqonaysa koonfura bari ee Turkiga, waqooyi bari ee Suuriya, waqooyiga dalka Ciraaq, galbeedka Iiraan iyo waqooyi galbeed ee dalka Armaaniya.

Tirada ugu badani waxa ay ku nooshahay dalka Turkiga. Sida ay ugu kala nool yihiin dalalkaasi waa: 15 Milyan ayaa ku nool dalka Turkiga, 8 Milyan dalka Iiraan, Suuriya 2 Milyan, 6 Milyan Ciraaq iyo Armaaniya oo ay ku nool yihiin 40,000. Inta soo hadhay ayaa adduunka intiisa kale ku kala firidhsan. Kurdiyiintu 98% waa dad Muslimiin Sunni ah, halka 2% ay yihiin Muslimiin Shiico ah. Kurdiyiintu waa qoomiyada dagaalyahanno ah, sidoo kalena dhulkoodu waa kan ugu hodsan bariga dhexe, waxaana laga soo saaraa shidaalka ugu badan. Salaaxudiin Al-Ayuubi oo ahaa geesi ka dhashay qoomiyada Kurdiyiinta waa kii Kufaarta ka xorreeyey Qudus sannadkii 1187-kii. Waana qoomiyada afraad ee ugu badan dadka dega bariga dhexe.

Kacdoonnadii Kurdiyiinta Ku Kaceen.

= Intii u dhaxaysay sannadihii 1915 ilaa 1920 ayey Kurdiyiintu dagaal culus ku qaadeen ciidamadii Ingiriiska ee ku sugnaa deegaannadooda, waxaana cagta la mariyey ciidamo tiro badan oo Ingiriis ah. Tallaabadaasi ayaa si weyn uga cadhaysiisay dawladdii Ingiriiska, waxaanu wasiirkii dagaalka ee Ingiriiska marna ahaa wasiirka Mustacmaraadka ee wakhtigaasi oo la odhan jiray Sir Winston Churchil ayaa amray in xoog xad-dhaaf ah loo adeegsado kacdoonka Kurdiyiinta. Ciidamadii Ingiriiska ayaa qaaday duullaan socday 4,800 oo saacadood, waxaana dagaalkaasi lagu xasuuqay boqol kun oo u badan Kurdiyiin iyo waxoogaa Ciraaqiyiin ah. Inkasta oo markii dambe uu Ingiriisku qirtay inuu diley 9 kun oo qof oo Kurdiyiin ah.

= Sannadkii 1923-kii Ingiriiska oo ka aargoosanaya Kurdiyiinta wuxuu qoomiyadoodii u qaybiyey afar waaxood oo kala ah: Kurdi-Turki, Kurdi-Suuri, Kurdi-Iiraani iyo Kurdi-Ciraaqi iyo Kurdi-Armaani. Waxa sidoo kale la dhalan-rogay luuqadoodii, oo meesha laga saaray, waxaanay haatan ku kala hadlaan Turki, Carabi iyo Faarisi.

= Sannadkii 1980-kii ayuu Madaxweynihii Ciraaq Saddaam Xuseen dagaal baan ku qaaday waqooyiga Ciraaq oo ay ku nool yihiin Kurdiyiintu. Waxaanu ku buufiyey sun gaas ah,  waxaana mashaqadaasi ku naf waayey shan kun oo qof oo Kurdiyiin ah, sida uu baahiyey wargayska The Guardian cadadkii soo baxay 19/04/2003.

Turkiga Iyo Kurdiyiinta

Maadaama oo ay dalka Turkiga ku nool yihiin tirada ugu badan ee Kurdiyiinta ahi, wuxuu Turkigu wadnaha farta ku hayaa inay isku xidhmaan Kurdiyiinta waqooyiga Suuriya ku xoogan iyo Kurdiyiinta Ciraaq oo ay noqdaan awood meesha ka saarta dawlada Turkiga. Khilaafka u dhexeeya Turkiga iyo Kurdiyiintu wuxuu soo bilaabmay tan iyo sannadkii 1978-kii, markii ay samaysmeen ururo ay leeyihiin Kurdiyiintu kuwaasi oo dalbanayey inay helaan dawlada ka madax bannaan dawlada Turkiga ama ugu yaraan is-maamul hoosaad u gaar ah.

Hasayeeshee dawladda Turkiga ayaa dalabkaasi ku gacansaydhay, waxaanay jeelasha ku gurtay ururadii Kurdiyiinta ee waday dalabka. Intii ka soo hadhay kooxihii jeelasha lagu guray ayaa toos u ficil qaatay oo samaystay jabhad dagaal la gasha ciidamada Turkiga, kaasi oo ilaa hadda socda. Jabhada PKK ayaa ugu horraysay oo dagaalka hubeysan bilowday. Kacdoon ay Kurdiyiintu ka sameeyeen gudaha dalka Turkiga oo soo taxnaa tan iyo sannadkii 1984 ayey ciidamada Turkigu ku dileen in ka badan afartan kun oo qof oo Kurdiyiin ah. Hoggaamiyaha jabhada PKK Cabdalla Ojolaan ayaa haatan ku jira xabsi ay dawladu Turkigu dhigtay sannadiii 1999, isaga oo laga soo qabtay dalka Kiiniya.

Xaalada haatan ka taagan waqooyiga Suuriya ee ay ciidamada Turkigu duullaanka ku hayaan ayaa timid ka dib markii ay xoogaysteen Kurdiyiinta ku dhaqan waqooyiga Suuriya, oo uu Maraykanku hub iyo tababarba siiyey wakhtigii ay Maraykanka xulufada la ahaayeen ee ay dagaalka kula jireen ururkii Daacish. Ka dib burburkii Daacish ayuu Turkigu is-tusay madax la soo kaca Kurdiyiinta waqooyiga Suuriya inuu khatar ku yahay dawlada Turkiga oo ay dhici karta inay isku xidhmaan Kurdiyiintan dalkiisa ku nool iyo kuwa Ciraaq ku nooli taasina ay gilgilayso jiritaanka Turkiga. Sidaasi darteedna uu duullaanka ugu qaaday waqooyiga Suuriya.

Aftidii Kurdistaanta Ciraaq

Sannadkii 2017 dabayaaqadiisii ayey shicibka Kurdiyiinta Ciraaq afti u dareen waxaanay aftidaasi ku doorteen inay 98% noqdaan dal ka madax bannaan dalka Ciraaq intiisa kale. Hasayeeshee waxa ftidaasi ka soo horjeestay dalalka adduunka intiisa badan, marka laga reebo Ruushka iyo Israaiil. Kurdistaanta waqooyiga Ciraaq ayaa loo tiriyaa inuu yahay dalka keliya ee ay leeyihiin Kurdiyiinta adduunka ku nooli.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com

Tixraacyo:

https://www.bbc.com/news/world-middle-east-29702440

https://www.cfr.org/interactive/global-conflict-tracker/conflict/conflict-between-turkey-and-armed-kurdish-groups

https://edition.cnn.com/2014/08/18/world/kurdish-people-fast-facts/index.html

https://www.washingtonpost.com/world/2019/10/11/who-are-kurds-why-is-turkey-attacking-them/

https://thekurdishproject.org/history-and-culture/kurdish-history/