Dimoqoraadiyadda Somaliland: Riwaayad bilaa lacag ah (WQ: Mustafe Kaydsane)

Inaga dimoqoraadiyadeenu waaba nooc gaar ah; waa ba riwaayad an u baahnayn in ad tigidh ba u goosato!

“Xubnaha la diiday anigu waan qortay; waxa na soo celin kara haday doonaan Baarlamaanka” ayuu ahaa fasirka hadalka Mw Muuse uu kaga jawaabay cabashadii Waddani.

Hore waxa loogu heshiiyey “madaxweyne iska gudbiso heshiiskan waji-dhowrka ah, Baarlamaanku ha kuugu ansixiyo ‘NO’ eh!”.

Marka madaxweynahaagu yahay ‘Tayda-iyo-baabah’ mucaaradkaaguna yahay ‘Taan-diidayba-keen’. Wakhtigu ha iska lumo waa yeeladiiye, kharashka cashuurbixiyaha lacagtiisa lagu luminayaana waa wada ogol.

Haddii ay mucaaradku is yar xanaajiyaan na waa “Allaa nabada ha la ilaaliyo” haddii kale qarankaa inaga burburi doona!

Show marxuumkii Cigaal badbuu ina galiyey markuu inoo raray Distoor-gurran, xisbi-beeleedyo iyo Doorasho-jaanjaaman iyo mudo-korodhsi, sow la inooma qaadan tii Beelnimooyinka amana 4.5 ee 1993?

RiwaayadBilaaLacaga

 

Nabad & Caano