Taalada xorriyadda ee ka taagan magaalada New York ee dalka Maraykanka waxay u taagan tahay sanam ay caabudaan dadka shaydaan caabudka ah. Taalada Muqdisho laga taagayna Taas ayay u taagan tahay, waxba yaan dadka been loo sheegin.
Waxay islaantaa yidhaahdaan waa Isis oo uu qabay Osiris, Isis oo ah hooyadii โHorusโ, Horus halkan wuxuu ugu jiraa โDajaalโ. Astaamahan waxaa isticmaala dadka ka tirsan Freemasons-ka oo sugaya soo baxa Dajaal Cawar.
Waxa islaantu sidataa waa โtooshโ waxay yidhaahdaan waa sixir ay ka soo xaday shaydaanka, sixirkaas ayaa iftiin u noqday adduunka. Waa โtooshkaโ lala dhex ordo ciyaaraha Olympiga. Waxay aaminsan yihiin haddii calaamadahan lagu badiyo adduunka in sixirku xoogaysanayo markaas uu soo degdegayo soo bixista Dajaal.
Siyaad Barre waxaa looga shakisnaa inuu urrurkan ka mid ahaa waayo, sannad walba wuxuu ubax dhigi jiray daljirka dahsoon oo ahayd astaan kale oo shaydaan isagoo u sujuudi jiray (sujuuda foorarsiga).
Taalooyinkan noocan ah waxaa dalbada dadka shaydaanka caabuda si astaamahoodu u madoobeeyaan ruuxaha nool. Soomaalidu waa dadka dagaalka noocan ahi ku socdo -horena astaamahani waxay u fasahaadiyeen dhulka.
Farmaajo tegitaankii New York ka dib waxan ayuu la soo noqday. Soomaaliya kacaankii shaydaanka ayaa dib uga soo muuqanaya Siyaad Barre ka dib.