Maalmihii daroogada iyo Siminaarkii Maansoor (WQ: Akram Cabdala)

Waa 21-july-2019. Waxaanu ahayn 12 kooxood oo min sideed qof ah, isu-gaynta tiradayadu waa 96 nin oo da’doodu u dhaxayso 18-35 jir. Waxa nalagu war galiyey in laba hay’adood oo gaalo ah ay sidaan alaab la doonayo in la keeno waddanka islamarkaa la doonayo in aanu tijaabinno kadib aanu ka falcelino.

Galinka hore 8 qof ayaa gala galinka dambana 8 qof. Groupkii ugu horeeyey ayaan ku jiray. Waa aroor abbaaro 8dii subaxnimo, hool ayaanu fadhinnaa 4 afar nin oo gaalo caddaan ah ayaa na hor fadhiya, marka laga reebo wiilka daadihinayey seminaarka iyo wiilka turjumaanka ah oo iyaguna reer hargeysa ah. Isbarasho gaaban kadib ayaa nala hordhigay alaabtan, waxay na yidhaahdeen waa buuri cusub “buurigii daanka la dhigi jiray”.

Su’aalo ciidda ka badan ayaa nalagu miisay, su’aashii koobaad waxay ahayd (nooga warrama waddankiinna somaliland?). Qof walba xidhmo ayaa la hordhigay, waxa la yidhi qof walowba xabad afka gali dibinta sare hoosteeda dhig, waanu furnay oo waaba wax udgoon.

Wiilkii siminaarka daadihinayey ayaan ku idhi “miyaanad adigu tijaabinayn?” Markiiba afkuu gashaday xabad yar. Xagga bidix waxa iiga dhawaa gaal cad oo laptop isticmaalaya balse si wacan noo dhagaysanaya. Anoo ka baqanaya waxan lagu sheegay buuriga ayaan haddana ku jeedsaday kii gaalka ahaa, isla su’aashii ayaan waydiiyey “miyaanad adna tijaabinayn?” Intuu qoslay ayuu yidhi “anigu waan ku matagayaa” intaa markaan ka maqlay ayaan iska dhigay anoo kolba yar ursanaya udgoonka daroogadan. Cidna laguma qasbayn.

Ilaa lix qof ayaa afka galiyey, ku darsoo marka afka la galiyo 30 daqiiqo ayaa lagu haynayaa. Intaa su’aalo ayaa nalagu wadaa: maxaad dareemaysaa? Sideed ku noqotay? Ma kuu wacantahay? Muudh ma gashay? Iyo su’aalo badan. Inamadii mid baa yidhi waan dawakhay. Midna wuxu ydhi jawi dagan ayaan galay. Midbaa isagu ku gubtay oo bahashu waa kulayl. Mid aan la yaabayna wuxu yidhi anigu hore ayaan u isticmaali jiray oo waxba kuma noqonayo. Wiil saaxiibkay ah oo ka mid ahaa kuwa tijaabiyey isna wuxu yidhi “anigu inaan liqo ayaan ka baqanayaa” hadalkiisaa aad baa loogu qoslay.

Muddo 2 saacadood ah markay dhamaadeen, ayey yidhaahdeen soo nusa-saaceeya (break time). Shaah, cafe iyo cunno fudud ayaanu bannaanka kusoo cunnay 20 daqiiqo ayaa nala siiyey. annagoo iska waraysanayna wixii na helay, wiilkii siminaarka daadihinayey ayaanu inyar kulannay, wuxu ii sheegay in layga dhigay hogaamiyaha groupkan, wuxu intaa ii raaciyey “fadlan su’aalahan ka daa caddaanka”. Haddana hoolkii ayaanu ku noqonay oo albaabada ayaa hoosta laga xidhay. (Projector) ayaa la shiday, casharo dhaadheer oon lasoo koobi karin ayaa la bilaabay. 8 maalmood ayaan ka qayb galay.

Jabba waa ka dambeeyee

la soco qaybta dambe….