Malaha Yuusuf kolba meesha uu joogo ayuu la caqli yahay! (WQ: Cabdirisaaq Sandheere)

Waa Wariyihii laga qiiqay ee Yuusuf Garaad, oo inna leh ” Soomaalilaan maxay Midnimo ku Falaysaa inna” Maanta oo la joogo 2020kii!

Inyar dib aynnu u noqonno. Innamari. Waqtidheer tagi mayno. Yuusuf oo isduqaynaya oo Dubbe MAANTA & SHALAY isladhaca ayaynnu eegi! Dhinac aynnu u qaadno garanmayno!

Qoraa Boobe Y. Ducaale buuggiisa ( Dhaxalreeb Labaad) waxa ku jira Cutub dhan oo uu kaga sheekaynayo Dood ay BBC qabatay 2007dii! Qoraagu waxa uu aad ugu xusayaa in Yuusuf ahaa xagjirka ugu wayn ee Qaddiyadda Soomaalilaan dhinaca Warbaahinta ka diiddanaa.

Waqti badan waxa uu Yuusuf maamulka ugu sarreeya ka ahaa Idaacadda BBC. Wuxuu inta badan arrimaha Masiiriga ah ka waraysan jiray laba nin oo Walaalo ahaa, oo waqtigaa qaddiyadda Soomaalilaan aad u diiddanaa! Diidmadooda dano kale uga faa’idaysta. Waa Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cabdi Ismaaciil Samatar oo waqtiyadaa Qaddiyadda meel aan muran lahayn ka taagnaa, oo diiddanaa. Awrkiroollayaal ayay u ahaayeen Ilma Samatar waqtigaa Yuusuf Garaad. Aqoonta ay barteen ee lagu aaminay, oo kalsooni lagu qabay ayay waxbadan oo Diidmada Qaddiyadda Soomaalilaan raaciyeen. Boobe, waxa uu xusayaa labadaas nin in uu Yuusuf soo martiqaadi jiray marwalba oo arrimaha Masiiriga ah iyaga ka waraysan jiray! Sababta uu labadaas nin u soo martiqaadi jiray, waxa ay ahayd abaalhore iyo qaddiyadda SL halkay ka joogaan!

Ka kaalay taas. Qoraalkan uu Yuusuf ku dooddayo in SL wadahallada ku gacansarrayso, wuu u garaabayaa! Wuxuu laba sano ka hor oo uu Wasiirka Arrimaha Debadda Soomaaliya ahaa uu diiddanaa ayuu maanta oggolaanayaa! Wuxuu dhawr tobanaan sano Weerari jiray ee Warbaahinkasta ka inayna dhacayn, oo suurtagal ahayn ka sheegay ayuu burinayaa! Wuxuu shirar badan oo Wadahalladaas ah ( Sida Istanbuul iyo Ankara) uu diidday ee uu ‘ Ma jirtaan’ lahaa ayuu maanta leeyahay ‘ Waad saxsanaydeen.’ Waa isdiiddooyin nin ragi ‘marada igu tuura’ odhan lahaa.

Markale, waxa aa isleeyahay ‘ Malaha Yuusuf kolba meesha uu joogo ayuu la caqliyahay!’ Dorraad BBC oo SL laga necebyahay ayuu joogay, oo wuu necbaa! Shalay Wadahallada ayuu Soomaaliya ‘ Midnimo’ rabta la socday, isna wuu midnimaysnaa! Maanta dawladda ayuu mucaarad u eege ku yahay ‘ Waa kan sidii kuwii ka horreeyay kaadh xoqanaya ee wax taageere u eeg u raaddinaya inaanay Midnimo dhacayn!’ Malaha odeygu kolba meesha uu joogo ayuu la garaadyahay!

Layaab malaha, inuu qofku garaabo. Se waxa layaable inuu qofku garaabo marka uu arrin uu waxba ka qaban kari waayay ‘ oo waayayah iyo waaqicu u diideen’ uu ka iska dhigo qof wax gartay!

Soomaalilaan waa qaran wanaagsan oo LAGU BAROOR DARSADO marka loo baahdo! Waxa aan ka baqayaa in Farmaajo markuu xilka ka dego sida Yuusuf isna yidhaa ” Soomaalilaan Midnimo Maxay ku Fali!”

Hoos ka akhri maqaalkii hore ee uu qoray Yuusuf Garaad:

somaliland maxay ku faleysaa midnimo