13 Arimood Oo Aniga Iiga Baxay Shirkii Jabuuti (WQ: Maxamuud Batalaale)

13  Arimood Oo Aniga Iiga Baxay Shirkii Jabuuti:

 

Marka aan si buuxda u dhegaystay khudbadihii Madax wayne Muuse Biiixi Cabdi iyo Madax Wayne Farmaajo waxaa ii soo baxday:

 

1- In Muuse Biixi Helay Fursadii uu raadinayay ee uu isaga oo matalaya Shacabka Somaliland ugu qarnaqsan lahaa fagaare caalami ah, wuuna ku guulaystay dareenkii beesha caalamka.

 

2- In Madax wayne Farmaajo uu khudbadiisa diirada ku saaray amaanta Ismaaciil Cumar Geele oo aanu wax kale oo ruxur leh ku xusin.

 

3- In Ismaaciil Cumar iyo Farmaajo u adkaysan kari waayeen hadalkii madax wayne Muuse oo ay awoodina kari waayeen in ay joojiyaan ileen iyagaa durbaan qaataye.

 

4- In Beesha caalamku si buuxda u ogaatay in gooni isku taaga Somaliland aanu ahayn cadho iyo caadifad ee uu yahay go’aan shacab oo ayna jirin meel looga laabtaa.

 

5- In rajadii Aby Ahmed ee bilada labaad iyo iska mashquulinta xaalada qalalaase ee dalkiisa ee qasani ay fashil noqotay.

 

6- In ololihii Farmaajo ee dib u soo doorashada ee ujeedada ugu wayni ahayd uu dhibco badan sii lumiyay isla markaana uu waji gabax la sii kulmay.

 

7- Qolyihii Nabar iyo naxdin ay waayeen wax kaliya oo ay isku maaweeliyaan min hanaankii soo dhawayneed ee isku midka ahayd, min calamadii la joojiyay, magacyadii isku midka ahaa ee la soo dhigay iyo waliba meel walba oo ay wax ka waayeen.

 

8- In War murtiyeedkii Jabuuti soo saartay uu Farmaajo iyo kooxdiisa Nabar iyo naxdin uu argagax kale ku riday isla markaana ay mid ay leeyihiin soo daabacdeen akana saareen weedhii labada dal (Beteen the two countries).

 

9- In Shacabka Somaliland mincaarad iyo muxaafadba ku diirsadeen wixii ay indhahooga iyo dhegahooda ku arkeen kuna maqleen isla markaana ay Nabar iyo naxdin ka saareen baraha bulshada.

 

10- In Ismaaciil Cumar Geele uu xumad jabin yar iskaga sameeyay fadeexadii dul hoganaysay isla markaana uu ugu yaraan amaan ka helay intii shirka joogtay.

 

11- Puntland oo Cadhadii ay ka qaaday shirka Jabuuti markale ku muujisay in ay sii wadi doonto copy-garaynta Somaliland oo ay markeeda gooni isku taag ku dhawaaqi doonto haddii ay federalka sidan isku sii haystaan, balse wali ay u muuqdaan kuwo ka masayrsan wax ayna xaq u lahayn.

 

12-In Markii Shirka lagu kala kacay ee Somaliland ku dooday in Ajandaha lagu daro aqoonsiga iyo garwaaqiga dhibtii dhacday in kadib Somaliland laga baryay in ayna shirka sidaa ku burburin oo waan waan kadib lagu qanciyay in wada hadalku sii socdo.

 

13- In Watiga Somaliland uu maamulka Farmaajo hor dhigay xujo ay ka naxeen oo ah in marka hore la fuliyo heshiisyadii hore haddii kale ayna jirin sabab loo wada hadlaa.

 

Haddaba adna maxaa kaaga baxay? Qof kastaaba fikirkiisa xor ayuu u yahay qasabna ma aha in isku mid la noqdo balse waxa uu ilaahay kugu ogyahay ee aad aragtay ayuunbaa muhiim ah.