Shirka Djibouti ee madaxda Somaliland iyo Somalia lagu kulansiiyay waxa kasoo baxay fariimo culculus; isla markaasna si aad ukala fog ayay aqoonyahanka iyo hogaamiyeyaasha fikirka ee labada dal uga dareen celiyeen.
Dhinaca Somalia dhowr arimood ayay si toos ah u liishaameen oo ay inta badanna ka sinnaayeen. Ugu horaynba waxay cuskadeen miisaanka siyaasadeed, kibrada shaqo iyo waaya aragnimada nololeed ee xubnaha waftida Somaliland ka socday. Waxa kale oo la faaqiday taariikhda Madaxwayne Biixi oo ah mid halgan laguna ogyahay in uu yahay shakhsi ku adag Mabda’a dowladnimo ee dalkiisa.
Intaasba marka laga yimaado faalada ugu khatarsan uguna xeel dheer ee ilaa hadda aqoonyahan iyo siyaasi Somalia ahi uu bixiyo waa ta uu qoray #Yuusuf #Garaad; wasiirkii hore ee arimaha dibada dowlada Somalia ” Somaliland maxay ku falaysaa midnimada” weeye ciwaanka qoraalkiisu
Yusuf Garaad waa shakhsi leh aftahannimo iyo codkarnimo uu ka kasbaday sanado badan oo uu saxafi ahaa. Shaqadiisaa hore waxay ย dhaxalsiisay inuu helo xogo uu dheeraan karo siyaasiyiinta kale ee la jaalka ah ee reer Somalia. Waxa uu si dhow ula sheekaystay, sida uu sheegay, Siyaasiyiin badan oo Somaliland u dhalatay.
Sidoo kale mansabka siyaasiga ah ee uu soo qabtay waxa uu fursad u siiyay in uu goob jooge ka noqdo dhowr jeer oo hore oo labada dal madaxdoodu wada hadal dhex maray. Waxa uu si fiican u dhuuxay garnaqsiga Somaliland iyo daliilada ay ย cuskanayso si ay u cadeeyaan xaqnimada go’aanka Somaliland.
Mudane Yusuf Garaad waa askari keligii ciidan dhan ah, waxa uu dagaal dhinac keliya ah kula jiray Somaliland mudo dheer. Lagasoo bilaabo xiligii uu agaasimaha ka ahaa laanta afsoomaaliga ee BBc-da, ilaa mudadii uu ayaa wasiirka, muu ahayn nin isku howla inuu qarsado nacaybka uu u hayo Somaliland iyo qadiyadeeda; marwalba wuxuu dirane aan daalin u ahaa colaadinteeda.
Muddooyinkan danbe ee uu u xuubsiibtay faalleeyaha arimaha geeska, waxa uu isku deyi jiray in uu fikradihiisa ku dheeho waxoogaa afgobaadsi ah, iyo inuu isu muujiyo indheer garad baylahda Soomaalida oo dhami damqayso.
Qoraalkiisan ugu danbeeyay, ee sida baladhan baraha bulshada u dhex qaaday, isagoo cuskanaya khibradiisaa saxafinimo iyo xog-ogaalnimadiisaa siyaasadeed ayuu fariin dhiiran oo waxoogaa caloolyow ahi ku dheehan tahay waxa uu u dirayaa dowlada, aqoonyahanka iyo shacabka Somalia.
Si nuxurka fariintiisu dheg-raaricin u hesho; waxa uu gogol dhig dheer ku sawiray muuqaal xaqiiqa aad uga fog oo uu ka sameeyay sida dadka Somaliland ugu dhegan yihiin Qadiyadooda iyo sida ay u daba taagan yihiin xuriyadooda. faahfaahinta muuqaalkaas waxaan u dhaafay Mudane yuusuf maqaalkiisa, laakiin maxay tahay fariinta Yuusuf dirayaa.
Waxa uu leeyahay Dadka reer Somaliland waxa keliya ee lagaga adkaan karo, xaqooda lagu duudsiyi karo, qadiyaddoodana lagu soo afmeeri karaa waa hadii iyaga la isku jebiyo. Ka u doodaya Somaliland waa in laga horgeeyo mid u dhashay Somaliland oo ka doodaya. Dadka u dhashay Somaliland ee Muqdisho jooga, ha ahaadeen siyaasiyiin, ganacsato ama shaqaale kale e, waa in loo adeegsadaa sidii loo kala dhantaali lahaa Somaliand. ย Waxa uu ka duulayaa xikmadii ahayd “Lafo maroodi iyagaa la isku jebiyaa”
Mudanuhu wuu yaqiinsan yahay, sida qoraalkiisa ku cad, in Qadiyada Somaliland ay kudhisan tahay cadaalad, sharci, iyo taariikh, laakiin uma muuqato in laga garaabaa. Ma liqi kara Somaliland oo hantida xaqa sugan ee ka maqan. Waa dareen ku sal leh isasaraysiin in badan oo aqoonyahanka reer koonfureed ay ku dhaqmaan marka arinta Somaliland laga doodo.
Dulucda maqaalka mudanuhu ma fududa, waana in feejignaan loo yeesho; dhalin yaro badan ayaa u macnaystay maqaalkan mid togan oo Somaliland iyo wafdigeeda la dhacsan sidaa darteedna sii faafinaya iyagoo u riyaaqsan. Wax lala yaabo maaha, oo farshaxannimadu waxay leedahay sixir gaar ah.
Mudanuhu wuu ku mahadsan yahay in uu laab furnaan kusoo ย bandhigoย dareenkiisa; taasiba waxay ka mid tahay faa’iidooyinka shirka.