Mudaharaad Muddo Kordhin Ma Horjoogsan karaa? W/Q: Cali Cabdi Coomay

  • Muddo kordhintii ugu horraysay waxa ay dhacday 1995-kii dabayaaqadiisii markii ay soo dhawaatay muddadii saddex sanno ahayd ee madaxweyne Cigaal โ€˜AHN โ€˜ la soo doortay. Siyaasiyiin iyo dad ayaa ka hor yimid, waxba ismay beddelin.
  • Muddo kordhintii labaad waxa ay dhacday 2001-dii ilaa 2002-dii. Waxa ay ahayd sannad. Waa dawladdii Cigaal โ€˜ AHNโ€™. Qaylada iyo buuqa ayaa cirka maray, sideedii ayey u dhaqangashay.
  • Muddo kordhintii saddexaad waxa ay dhacday 2008-dii. Waxaana dhammaaday shanti sanno ee Riyaale 2003-dii ilaa 2008-dii. Kulmiye ayaa mucaarid xooggan ahaa, wax kasta way sameeyeen tii Riyaale ayey noqotay.
  • Muddo kordhintii afraad waxa ay dhacday badhtamihii sannadkii 2009-kii ilaa doorashadii 2010-kii. Qaylo iyo mudaharaad ayaa isla oogsaday, waxba se kamay beddelin oo way dhaqan gashay.
  • Mudho kordhintii shanaad waxa ay dhacday 2015-kii markii ay dhammaatay shanti sanno ee Siillaanyo la doortay. Waxaanay doorashaddii madaxtinimo dhacday 2017-kii.

Maantana haddii muddo kordhini timaado tabtaasi oo kale ayey noqonaysaa oo cid wax sameyn kartaa ma jirto.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com