Dagaalka Siyaasadeed wuxuu u Dhexeeya Biixi iyo Kaahin oo dhinac ah iyo Xirsi. W/Q: Cali Cabdi Coomay

  • Shantii sanno ee ugu horreeyey xukuumaddii madaxweyne Siillaanyo, wuxuu guddoomiye Xirsi qol ku xidhay Biixi iyo Kaahin, una diiday inay arkaan madaxweyne Siillaanyo oo ay keynta ku soo wada jireen 30 sanno ay SNM wada ahaayeen. madaxweyne Biixi iyo wasiir Kaahin way adkaysteen shantaa sanno ilaa labadii sanno ee ugu dambeeyey uu Xirsi meesha ka baxay oo ay soo galeen albaabka madaxtooyadii uu Xirsi ka xidhay. Danjire Cawil ayaa buugiisa โ€˜ Raad-raaca Taariikh Soomaaliyeedโ€™ ku sheegay โ€œ in siyaasiga dhabta ahi uu adkaysto marka la ciilo.โ€
  • Ninba waa mare mus ma kula koray: furista ururrada sharcigu banneeyey waxa ay ku soo beegantay in Xirsi uu qadhaadhka mucaaradada dhadhamiyo oo uu dagaal u galo sidii uu soo saari lahaa xisbiga lagu wareejiyey. Deegaanka Xirsi waxa saameyn weyn ku leh xisbiga Kulmiye oo haatan guddoomiyenimadii uu madaxweyne Biixi wareejinaayo, taasina waxa ay meesha ka saaraysaa hammigii Xirsi ee soo bixista xisbiga Waddani.
  • Gaboose ayaa soo bixista xisbiga Waddani saameyn ku yeelanaya oo wuxuu ku ololeynayaa in guddoomiyaha xisbiga Waddani ay deegaankiisu wataa xisbiga Kulmiye, taasina waxa ay taageer u soo jiidaysa Gaboose oo ay suurtagal tahay inuu ururkiisu xisbi noqdo.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com