Naftood hurayaasha iyo kaligood noolayaasha (WQ: Prof-Abdi Ali Jama)

Shaw waxanu ahayn naftood hurayaal uu helay kelidii noole; ma waxbuu dadkii ka reebay ba; mid u dhaw iyo mid ka fog ba!!!

Ma ahi psychologist, laakiin waxaynu ognahay in cilmiga dhaqaaluhu ku dhisna yahay Psychology, maadaama waxa la darsayaa tahay hab-dhaqanka qofka (behaviour); dad baa jira caqligoodu aanu ka fikir karin dantooda mooyee wax kale; hadda isma yeel-yeelayo, waa dhalan (character).

Qofka caynkaas ahi isagu wuxu isu yaqaanaa fariid, dadka kale oo dhanna doqmo; hadduu arko qof ka shaqaynaya ama waqti ku bixinaya wax aan dantiisa ahayn wuu la yaabayaa nacasnimada intaa le’eg; dadka noocan ah, way kuu dhuuman karaan; wuxu iska dhigi karaa qof daneeya danta guud, isaga oo filim matalaya; haddaba sidee baad ku garan kartaa?!! taariikhdiisa dib u raac; ma laha axsaan, waxaad soo heli in aanu wax iyo cid aanu muraad ka lahayna waligii waqti ku lumin, waxna laga faa’iidin waligii, wax bilaash ah abidkii bixin.

Hadda qalad ha fahmin, dhammaanteen ama aadamiga oo dhami wuu wadaagaa wax ka mid ah dabeecaddan, laakiin way innagu kala badan tahay; waxase ugu xiiso badan kuweena labada daraf dhaca (extremes), oo loo kala yaqaano altruists (naftood hurayaal) iyo narcissists (keligood noolayaal).

Qofkan naftii hura ha ahi (altruist) waa ka so horjeedka qofkan kale; waa dadka had iyo jeer axsaanta badan, tanaasulka badan, danta dadka kale hore mariya; nasiib darro, dadka ayaa si xun uga faa’iidaysta, waxana laga yaabaa inuu ku danbeeyo meel xun (victim)!!!

Si kastaba ha ahaatee, dadka inta badani waxay u dhexaysaa labadaa, badhtanka ma aha; qof kasta oo innaga mid ahi dhinac ayuu u badan yahay. adigu ma is taqaanaa? dhinacee baad u badan tahay?!!!! qaar baase aad ugu dhaw geesaha, salaamaad min kulli aafaad!!!

Cabdo; maamul wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga.