Naqdin Ku Saabsan Qudbad Sannadeedkii Madaxwaynaha (WQ: Dr Nasra Yusuf Ahmed)

Qaar badan ayaa odhan doona adigu Dhakhtar ayaad tahay ee maxaa siyaasaddda ku geliyay!

Intaa an kasii yare jawaabee, intaydaan aniga i waydiin idinku isasii waydiiya oo marka aad codaynaysaan illaa keena geela la jooga iyo adhiga; ma siyaasiyiin baynu nahay maxaase inagu kelliifa in aynu illaa hiirta waaberi safaf dhaadheer u taagnaano si aynu qof u dooranno?.

Intaasi horta waa intaa, aan usoo gudbo u jeedkaygii qoraalka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maalintii Salaasada ee aynu soo dhaafnay inoo qudbadeeyay, isaga oo inooga warramaya gude iyo debedba arrimaha dalkeenna ee aynu u doorannay.

Qoraalkaygu waa mid kooban oo aanan wax badan kaga hadlayn balse inyar uun kaga hadlayo madaxweynaha hadalkiisii. Marka laga yimaaddo arrimaha hore-umarka dalka iyo arrimaha bulshada oo aynu ognahay halka ay marayaan madaxweynuhuna aanu inaga qancin, waxa aad inoogu wada taagnaa oo intaaba dadku in ay xasuustaan dhaafiyay waa arrinta ugubka inagu ah ee liiliijinta qarannimadeennii aynu soddonka sanno tukubinaynay ee hareeraha ka joognay, hantida keliya ee aynu haysannona inoo ahayd iyo dhaxalka keliya ee inoosoo hadhay.

Madaxweyne Muuse Biixi , waxa uu inna baray in aynu ka fekerno wax aan qorshaha ugu jirin maskaxdeennu in ay ka fekerto. Hase yeeshee markii uu inala hadlayay waxaabuu inna yidhi arrinkii ahaa niman madaxweyne yaal ah oo is huwan ayaa inoo imanaya wax jiraba ma ahayn oo ma dhici karto , sidii oo isaga laftigiisu uu dadka uun ka maqlay ee aanay ahayn arrin xagiisa ka timi!.

Arrinta labaad ee iga yaabisay ayaa waxa ay tahay, madaxweynuhu wuxu sheegay in ra’iisal wasaaraha Ethiopia markii uu u yeedhay uu hore u orday oo u gaadhay isaga oo aan xagaa iyo xagan toonna eegin hal haleelna ugu tegey. Oo waayehee hadmaynu noqonnay dad sidaa desperate u ah oo keliya sugaya wax afka u kala qaada oo mar uun u yeedha.
Waayahay, waxa kaba sii dartay, markii madaxweynuhu inoo raaciyay aqbalaadda hadalkii yaraa ee waydda ahaa ee Farmaajo ka dhigayay raalli gelinta. Madaxweynuhu wuu ku celceliyay inuu soo dhawaynayo hadalkaa Farmaajo. Hadda hadalkaasi inaga saddex cisho ayuu madaxeenna geli la’aa oo uu inoogaba dhignaa wixii dawladdii kacaanku inagu samaysay.

Inagu waxaynu sugaynay in hadalkaa madaxweynuhu kaga jawaabi doono “anagu raalli gelin kaa sugi mayno ee fagaare adduunku goob joog u yahay ayaynu ku kala bixi oo lainoogu garqaadi” ,allase kama yeedhsiin ee waxaba ay u eekayd in hadalkan in uu madaxweyne Farmaajo yidhaahdo lagusoo heshiiyay goortii guriga ra’iisal wasaaraha Ethiopia lagu kulmay. Hadalka Farmaajo in aynu aqbalno oo madaxweynaheenu ku celceliyo in uu aqbalay waxa iyana ay muujinaysaa in aynu jabnay oo la inaga adkaaday oo aynuba lahayn, ilaahayow yaa mar uun idiinka hadliya!!

Waxa aan aaminsanahay in jileeca ka jiray siyaasaddeena arrimaha debeddu in muddo ahba ay sababtay in aynu u nuglaanno dad aan itaal iyo awood midna lahayn, ceeb ayay inagu tahay in madaxdii aynu doorannay ay maalin walba iyaga oo cabanaya oo sheegaya in meel walba lagasoo xidhay ay fagaare ha isasoo taagaan, iyaga oo ka cabanaya in dad qol yar lagu ilaaliyaa laf dhuun gashay ku noqdeen inaga oo soddon sanno dawlad ahayn!!!.
Soddon sanno ayaynu is bidaynnay oo iskala waynayn in aynu sooba qaad qaadno Soomaalia iyo arrimaheeda, dad han leh oo waxyaabo badan iskala weyn ayaynu ahayn. Laakiin hankeenniiba shaw been buu ahaa oo qabkii Daa’uuska oo kale ayaa iskaga keen jiray.

Intaas oo aafo ahi waxa aan u aanaynayaa madaxdii aynu doorannay oo keliya ahaa qorshahoodu kursiga tag ee aanay talo kale kuba jirin.
Lakin madaxdu meel kale kama timaaddo ee inaga uun bay inaga yimaaddeen shacab ahaan, inaguna waxa aynu nahay dadka u khushuucay ee mashxaradda iyo sacabka iskala garan waayay, markii keliya ay maqleen Farmaajo inoo iman maayo iyo xisbiyaa la furayaa. Intaas ayaaba ina qaraarisay oo aad ku illowdeen wixii goldaloolo ka buuxay hadalka madaxweynaha!!. Shaw dad sii ridanba ma nihin!

Waxan kale oo aan arkayay wixii qosol idinka
dhacay gunaanadkii qudbadda madaxweynaha ee ahayd ereyo ka mid ah gabaygii Abwaankeennii Faarax Nuur tiriyay!! .
Aniga waxa ay ilatahay in aanay habboonayn in madaxweyne/siyaasi uu soo qaato gabaygaas oo kale sababtoo ah; waabad aragtaa in mindiyo iyo booraamoba laguu qarinayo oo laguu qodayo ee, inta aad afkaaga ka dhawrto oo guntiga dhiisha iskaga dhigato kuwaa kuwo ka lamid ah qodo oo qarso dee adiguba!!…gabaygaa soo qaadashadiisu adkaysi ma ahayn ee calaacalkii aynu beryahanba wadnay ayuun buu la mid ahaa sida ay aniga ilatahay!!.

Ugu dambayn waxa an bulshada reer Somaliland usoo jeedin lahaa, aynu usoo jeesanno inaga oo isku duuban waxa ka dhex socda dalka, inaga oo caafimaad qabna oo si xeel dheer u dhuganayna arrimaha
Wa Billaahi Tawfiiq
Dr Nasra Yusuf Ahmed
MBBS ,MD