Quraanku Maaha Buug Saynis, Balse Haddana Waxa Laga Helayaa Xaqiiqooyin Badan Oo Aan La Dafiri Karin Oo Sayniseed . W/Q: C/raxmaan Hayaan

Waxa jirta taariikh quraanka lagu sheegay 1400 sano ka hor, waa ninkii la odhan jiray Abu jahal. Abuu oo ahaa cadowga koobaad ee muslimiinta wakhtigii risaaladdu cusbayd, ayaa sidoo kale waxa lagu yaqaannay inuu ahaa nin beenaale weyn ah oo been ka sheega wax kasta oo uu ogyahay. Taas awgeed ayuu Ilaahay Subxaana Watacaalaa soo dajiyay quraan la akhriyayo illaa yawmal qiyaamaha, kaas oo uu ku sheegayo ninkaa ficilladiisa foosha xun . Aayadahan  oo ah kuwa ugu horreeya suuratu calaq ama Iqra, Ilaahay waxa uu ku yidhi? Miyaanu ogayn in Ilaahay arkayo? Hubaal haddii uu iska dayn waayo waxa uu samaynayo waxa aanu jiidi doonnaa foodda, foodda beenalayda ah ee danbiilayda ah.

Halkan Ilaahay waxa uu si gaar ah ugu sheegay wajahadda hore ee wajiga oo ah foodda inay tahay food danbi badan isla markaana beenalay ah..

Maskaxda banii aadanku maaha oo kaliy xubinta ugu muhimsan jidhaka banii aadandka, balse sidoo kale waa xubinta uu fahankeedu ugu kakan yahay. Maskaxdu waxa ay ka kooban tahay afar qaybood oo ku kala yaalla meeelo kala duwan isla markaana kala qaabilsan shaqooyin kala duwan  oo qayb ka qaata habsami u socodka shaqada jidhka ka dhex socota waxaanay afartaa qaybood kala yihiin sidan soo socota.

  1. Frontal lobe:
  2. Occipital lobe
  3. Parietal lobe and
  4. Temporal lobe

Bal hadda aynu eegno mid kasta iyo shaqada uu qabto.

  1. Occipital lobe oo ah maskaxda qaybta xagga danbe ku taalla waxa ay qayb ka qaadataa aragga waxaanay tarjuntaa midabka, qaabka iyo fogaanta uu jiro shayga indhuhu arkeen
  2. Temporal lobe: waxa ay masuul ka tahay xusuusta iyo barashada cusub, waxay masuul ka tahay fahanka luuqadda cusub iyo habdhaca luuqda, waxa ay maamushaa sida ashyaa’da loo habeeyo iyo sida loo kala horraysiiyo.
  3. Parietal Lobe: waxay masuul ka tahay dhaygagga, dareenka taabashada, waxa kale oo ay maamushaa akhriska iyo garashada wajiga cusub, fahanka wakhtiga markaa lagu jro, dhaqdhaqaaqa jidhka ee ujeeddada leh iyo kala garashada ashyaa’da
  4. Ta afraadna waa Frontal Lobe oo ah ta aynu u soconnay oo u soo qaadannay qoraalkeennan, waxa ay ka masuul tahay si qofku si deggan u fakaro, inuu hadalka dhuuxo, dulqaadka, go’aan qaadashada deggan, fiirada gaarka ah, xallinta mushkiladaha, muujinta dareenka naxdina leh ama farxadda iyo waxyaabo kale oo la mid ah.

Haddaba maskaxda qaybta ku taalla foodda hore waxay qabataa shaqooyin badan oo badankoodu udub dhexaad u ah isla markaana masuul ah la dhaqanka bulshada. Tusaale ahaan waxa ay masuul ka tahay kartida uu qofku u leeyahay inuu sii aqoonsado ama ka fakaro cawaaqibka ka dhalan kara tallabooyinka iyo go’aannada markaa la gaadhayo, kala doorashada waxa xun iyo waxa wanaaagsan, diidista iyo ka hor imaatinka dhaqannada aan qummanayn ee bulshada iyo ugu danbayntii kala saarista kala duwanaanshaha iyow waxyaabaha ay isaga mid yihiin dhacdooyinku.

Marka qofku been sheego, unugyada maskaxda qaybta loo yaqaanno Prefrontal Cortex ayaa si xooggan u shaqeeya, taasi oo aan sidaa u shaqayn marka aynu runta sheegayno, sawirro laga qaaday xilligaasi qofka beenta sheegayaana waxa ay muujinayaan in maskaxda qaybtaa ku taalla foodda hore ee loo yaqaanno Prefrontal Cortex ay yeelato wax u eeg waayirro cad cad oo kale isla markaana midabka dameeriga ah ee ay marka hore leedahay yaraado, marka loo eego dadka kale.

Waayadii u danbeeyay saynisyahannadu waxa ay isticmalayeen qalabyo kala duwan oo casri ah oo uu ka mid yahay mishiinka loo yaqaanno (Funtional Magnetic resonance Imaging)FMRI), si ay qummaati ugu ogaadaan goobaha saxda ah ee ka mid ah maskaxda ee is badala marka qofku been sheegayo. Tallaabadan waxa lagu cabbiraa, qulqulka dhiigga ee maskaxda, bikaaca ka soo noqda dareenka xarakaadka isaga oo qofku ka jawaabaya su’aalaha isaga oo ku dhex jira qlabkan scannerka ah.

Sawirrada soo baxaa waxa ay muujiyaan shaqada ka socota gobollo gaara ah oo maskaxda ka mid ah marka qofku beenta sheegayo iyo qaybo kale oo shaqaynaya marka qofku runta sheegayo.

Inkasta oo haddaba meelo badan oo maskaxda ka mid ahi door ku leeyihiin khiyaamada iyo beenta qofku sheego, haddana natiijada ugu badan ee ka soo baxday daraasadaha FMRI, waxa ay sheegayaan in shaqada ka socota qaybta hore ee maskaxda ee loo yaqanno prefrontal cortex ay korodho marka qofku beenta sheegayo. Haddaba maxay tahay qaybtan prefrontal cortex. Waxa ay ku taallaa uun xagga danbe ee foodda qofku uu sujuudda dhigo, waxaanay ka koobantahay gobollo kala duwan oo ka masuula go’aan ka gaadhista fikirka ama tallaabooyinka qof ku gaadhi karo yoolasha uu nolosha ka leeyahay.

Waxa kale oo ay masuul ka tahay dhammaan waxyaabaha khiyaamo lagu samayn karo sida qorshaynta, xallinta mushkiladaha iyo u fiirfiirsashada badan. Khiyaamadu waxa ay u baahan tahay in maskxdu aad u shaqayso marka loo eego daacadnimada inta ay u baahan tahay inay shaqayo, waxaana laga arkaa arrinta shaqada maskaxda oo aad sare ugu kacda.

Bal hadda aynu hoos ugu daadagno qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay maskaxda qaybtan loo yaqaanno prefrontal cortex waa qaybta foodda hore ku talla e.

Qaybtan waxa ay ka kooban tahay 3 qaybood oo mid waliba meel gaar ah ku taallo. Sannadihii u danbeeyayna saynisyahannada cilmiga neerfaha, kuwa danbi baadhayaasha iyo dhakhaatiirta dhimirka ee addunyaduba waxa ay sameeyeen daraasado tiro badan oo ay ku darsayaan maskaxda banii aadanka siiba saynisyahannadani waxa ay aad u danaynayeen qaybtan loo yaqaanno prefrontal cortex iyo qaybeheeda kala duwan iyo sida ay uga falceliyaan carinaha dibadda kaga yimaada. Maskaxda qaybta loo yaqaanno Frontal Cortex waa qaybta doorka ugu muhiimsan ku leh go’aan gaadhista marka qofku samaynayo danbiyada waaweyn sida dilka Ilaahay innaguma keenee, kufsiga iyo sidoo kale dhaca.

Qaybta hoose ee frontal lobe ee maskaxdu waa qaybta oo loo yaqaanno the orbitfrontal Cortex waa qaybta ku lugta leh go’aan ka gaadhista maxaa sax ah iyo maxaa qalad ah, waxaanay saynisyahnnadu ku ogaadeen inay qabtani samayso isla hummgyada ay samayso marka lagu tijaabiyo qofka danbiilaha ah.

Daraasaduhu ilaa hadda waa ay socdaan, waxaana marba marka ka danbaysa la ogaanayaa xog horleh oo intii hore ka badan, balse illaa immika hal shay ayaa iska cad, halkaa Shayna waxa weeyaan in maskaxda qaybta foodda hore ku taallaa ee loo yaqaanno prefrontal cortex ay tahay meesha ay ka masuulka ah beenta sheegisteeda iyo samaynta danbiga qofku ku kaco inta uu adduunka ku noolyahay, waa isla intii ay aayaddu sheegtay markii ay ka hadlaysay ABuu Jahal . Ilaahay waxa uu quraankiisa ku yidhi suuratu al Calaq.

Miyaanu ogayn in Ilaahay arkayo, Hubaal haddii uu iska dayn waayo waxa uu samaynayo waxa aanu jiidi doonnaa foodda, foodda beenalayda ah ee danbiilayda ah.

 

C/raxmaan Hayaan

Cbdrxmngeni@gmail.com

Hargeysa, Somaliland