Raali gelinta Madaxwayna XFS ma dhaafsana af-gobaadsi iyo marxabaysiin ku socota taageerayaashiisa (WQ: Dr- Abdikarim D Hassan)

Bal U Fiirso: Raali gelintu waa noocma!

Raali gelinta ay dowladi ka bixiso jariimooyin bani’aadamnimada ka dhan ah oo ay ku kacday waxay leedahay dariiq loo maro oo sax ah:

Marka hore waa in madaxwaynu mashruuc qaannuun u gudbiyo golaha barlamaanka ee dalkiisa si ay u ogolaadaan raali gelinta. Tallaabadaas waxa ka dhalanaya in dadkii qaybta ka ahaa xasuuqa iyo burburka in si cadaalad ah loo baadho oo la soo taago maxkamaad cadaaladeed.

Inta iyagu lahayd  go’aanka siyaasadeed ee dhibaatadii dhacday waa in lagu xukumaa qaybtay ku lahaayeen danbiyada, lagana fadhiisiyo siyaasada mustaqbalka.

Dadkii iyo deegaanadii ay dhibaatada wayni kasoo gaadhay xasuuqa waa in ay helaan magdhow siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid taariikheed oo lagu laabo saxayo qaladaadkii laga galay intii ay socotay faquuqa siyaasadeed.

Ugu danbayn wada-hadalkasta oo labada dhinac dhex maraa waa in uu dhaco iyadoo xaqiiqada taariikhdeed ee raali gelintu keentay lagu xisaabtamayo.

Raali gelinta Madaxwayna XFS ma dhaafsana af-gobaadsi iyo marxabaysiin ku socota taageerayaashiisa, waxaana suuro gal ah in dadka uu raali gelinta u diray u arkaan wiirsi iyo ku jeesjees. Waxaa fiicnayd in uu si fiican uga fiirsado oo aan gool siyaasadeed laga deyin meel aanu ku haboonayn hadii in uun dan laga leeyahay wada xaajood dhab ah iyo is faham.