Saddex Sifo oo Cadow ku ah Garashada (WQ: Imaam Cabdiraxmaan Cismaan)

Waxaa jira saddex sifo oo garashada wanaagsan cadow ku ah, qofkana ka dhiga maanlaawe. Saddexdaas sifo waa cadow ee ku dhawaaq inaad dagaal la gasho naftaadana aad ka ilaaliso.

1. Qabyaaladda

Cadowga koowaad ee garashada wanaagsan halista ku ah waa inuu qof noqdo qabyaali. Qofka sifahaas yeeshee wuxuu noqdaa qof maro madow indhaha isaga xidhay, wax walbana wuxuu ku eegaa indhaha qabyaalada. Wuxuu sax u yaqaanaa wixii qabiilkoodu sax u yaqaan wuxuu khalad u yaqaan waxa reerkoodu khalad u yaqaano.

Qofkaasi baadilka iyo xaqqa wuxuu ku kala saaraa miisaan reerkoodu hayaan oo aan cid kale la hayn. Dige kasta oo yimid qoom si uu xaqqa ugu cadeeyo waxay ku diideen ‘xaqqan aad sido kamaanu maqal awoowayaashayo’. Nebbi kasta waxay ku yidhaahdeen ka tegi mayno (asnaamtayada) oo waxaanu ka soo gaadhnay Aabayaashayo -waxay ku raacayaan abtirsiin xataa haddii ay Aabayaashood lunsanayeen ama aanay waxba garanayn.

Cudurkani hadda wuxuu ku faafay aqal kasta oo Soomaaliyeed. Diin cusub oo inaga dawaysaana soo degi mayso. Diinteenii inaga talaashayna laguma dhaqmo. Bal naftaada uun ka dawee.

2. Kibirka

Kibirku waa sifo labaad oo disha garashada wanaagsan. Qof kibirsani wax kasta wuu yaraystaa oo wuxuu isku qabaa inuu isagu wax walba yaqaan. Qof u nasteexaya wuxuu u arkaa qof caayay, qofka la taliya wuxuu arkaa qof liiday garashadiisa, qofka runta u sheega wuxuu u yaqaan qof yaraystay -intaasna wuxuu kaga jawaabaa dagaal iyo cunfi.

Kibirka markaad u fiirsato wuxuu ka imanayaa nafta hoose ee qofka. Qofka had iyo jeer is kibriyaa waxaa jirta iin iyo qoon u qarsoon oo uu doonayo inuu ka qariyo dadka kale. Boogtaa u qarsoon ayaa ku kelifaysa inuu isqaadsiiyo islaweyni iyo kibir. Jid hanuunka hadday arkaan ma raacaan, jidka halaaga hadday arkaana way raacayaan -ileen waa dad garasho lahayne -tallada teeda toosan ma asiibaan.

Kibirka Shaydaanka ayaa tusaale u ah, isagoo asalkiisa ka shakisan ayuu asalka abuurkii Aadan weeraray oo yidhi, ‘Waan ka kheyr badanahay oo isaga dhoobo ayaad ka abuurtay anna naar.’ Sidoo kale Fircoon ayaa kibirku gaadhsiiyay inuu foolxumadiisa ku qari is yidhaa inuu sheegto ‘ilaah’.

Qoladii Quraysh madaxda u ahayd ayaa Nebbi Maxammed (scw) ayay ku diideen qoyskuu ka dhashay waxay yidhaahdeen miyaa la soo diro labada oday ee labada magaalo ugu cisada badan -dadka kibirsan agtooda xaqqa waxay ku gartaan muuqaalka iyo maalka.

Kibirku wuxuu ku dhici karaa qof, qoys, qabiil, qoom iyo qaran dhan.

3. Beenta

Beentu asalkaba kama mid aha abuurteena. Waxaad tahay xaq socda, haddii aad been sheegto waxaad dabooshay xaqqii. Beentu waxay xidhaa qalbiga garashadana waxay u dishaa si daran. Cudurro badan oo Aadamaha aafeeyay waxay ka dhashaan caadaysiga beenta.

Beenaalayaashu waxa ku adag in ay xaqqa aqbalaan, in ay runta waajahaan iyo in gar qaataan. Waa cudur maalmahan danbe dhexdeena ku faafaya.

 

Saddexdaa sifo naftaada kala dagaalan.