Shirkadda Somcable iyo Shaqaaleheeda (WQ: Ismaaciil Xaaji Ciise)

Shirkadda Somcable beryahaaba cabasho ayaa ka soo baxaysa shaqaaleheeda. Shaqaaluhu waxa ay ka cabanayaan duudsi lagu wado xuquuqdii shaqaalaha shirkadda oo laba dhinac ah. Marka kowaad shirkadda oo ku dhowaad toban sano jirtay waxa shaqaalaha la hor dhigay heshiisyo cusub oo lagu leeyahay saxeexa in ay aad shaqada shirkadda sannadka bilowdeen. Taa oo meesha ka saaraysa gebi ahaan ba xuquuqdii qofka shaqaalaha ee sannadaha badan joogay.Marka labaadna xuquuqdii qofka oo sannadkii ahayd hal bil mushaharkiisa waxa laga dhigay saddex meelood marka loo qaybiyo hal meel (1/3).

Waxa la sheegayaa in shaqaalihii shirkadda qaarkood ay saxeexeen heshiiska sidaa u dhigan iyaga oo ilaashanaya shaqadooda oo ka cabsi qaba haddii ay diidaan ama doodaan in shaqada laga caydhiyo. Haayadda shaqaalaha, ururrada arrimahan ku shaqada leh iyo cid wal oo arrinkaa wax ka geysan kartaba waxa la gudboon in ay ka hor tagaan in shaqaalahaa xaqooda la duudsiyo. Shaqaalaha shirkadda waxa la gudboon in aanay marnaba oggolaan in dulmi noocaa ah lagula kaco oo xaqooda sidaa fudud lagu waasiiyo. Shirkaddana waxa aan u soo jeedin lahaa in aanay shaqaaleheeda ku tacaddiyin sumcaddeeda shirkadeed ee bulshada dhexdeeda ahna aanay iskaga ciyaarin.