Wax badan ka ogow xumadda ama qandhada “Fever”

Haddii ilmahaga korkiisu ay kulushahay waxaa dhici karta inuu hayo ama ka cabanayo waxay dhakhaatiirtu ku magacaabaan (fever).

Dhakhaatiirtu waxay ku cabiraan qalab lagu ogaankaro heerku marayo xumadu ee loo yaqaan (THERMOMETER) ama heerkul-beeg.

Haddii marayo heerkul beegu (100.4F ama 38°C) taas macnehedu waxaa weeyaan inuu hayo xumad.

Xumada sideedaba wax dhib ah malaha bal waxa dhici karta inuu jidhka ka caawiyo inuu la dagaalamo infectionka ama caaabuqa.

Sida uu ilmahagu yahay dhaqdhaqaaqisa ayaa ka muhiimsan heerka uu joogo xumadiisu.
Haddii ilmahagu xumadiisu marayso (103F) hadana uu iska ciyaarayo amaba iska faraxsan yahay waxaa dhici karta inuu caafimaad qabo amaba uu fiican yahay.

Lakiinse haddiii uu ilmahagu xumadiisu marayso (101F) hadana uu ka cabanayo neefsashada waxaa dhici karta iyadana inuu hayo xumad.

Ugu danbayn hooyada ama waalidka maxaa looga baahan yahay:

Laba qodob ayaa loga baahan yahay inay ku dadaasho:-

1. Inay siiso cunugeeda cabitaano badan.2. Inay u xidho dhar fudud kana ilaaliso dhar culus oo ilmuhu ku dhibtoodo ….

Xigasho SOMALIDOCS..

Share insha allah ..

Youtube:-

○○ https://m.youtube.com/channel/UCHrK4PE3btlz3AbhIT3LJSg