Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Ayaa maanta Gaadiid nooca gurmadka degdega kala wareegay hay,adda WHO.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL. DR. Xuseen Bashiir Xirsi ayaa maanta afar gaadiid ah oo nooca gurmadka degdega ah kala wareegay, hay,adda WHO. Munaasibad balaadhan oo lagula kala wareegayay agabkan oo maanta ka qabsoontay xarunta guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, ayaa waxaa goobjoog ahaa, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, qaar ka mid ah Agaasime waaxeedyadda kala duwan ee Wasaaradda, masuuliyiinta sarsare ee hay,adda WHO. Mudan iyo marti kale.

Ugu horayn Wasiirka iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa kulan balaadhan la qaatay Masuuliyiinta hay,adda WHO, kana dhagaystay warbixino kala duwan oo ku aadan Arrimaha Caafimaadka ee ay ka wada shaqeeyaan Wasaaradda Iyo hay,adda WHO.

Intaa kadib Wasiirka iyo Agaasimaha guud ayaa si rasmi ah ugala wareegay masuuliyiinta sarsare ee hay,adda WHO afar gaadhi oo nooca gurmadka degdega ah oo loogu talo galay inay qayb ka noqdaan Horumarinta adeegyadda Caafimaadka ee ay Wado Wasaaraddu.

 

 

Xigasho:telefishanka qaranka somaliland

Bandhige@gmail.com