Masuuliyiinta ugu Saraysa Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga ayaa Saaka Kulan La Qaatay Shaqaala Weynahay Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga.

Kulanka oo Ay Gadh-wadeen Ka Ahaayeen Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Amniga Mudane Cabdalle Maxamed Carab oo Ay ku Weheliyaan Wasiiru-dawlaha Wasaaarada iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Ayaa Saaka Kulan La Qaatay Shaqaalaha Wasaarada.

kulankan oo Ahaa is barasho Ayaa Madasha waxaa Hadalo Ka Jeediyey Qaar kamid Ah Agaasime Waaxeedyada Wasaaarada iyaga oo ka warbixiyay muhiimada ay wasaarada ugu fadhiyaan shaqaalaha wasaaradu ayna yihiin shaqaale qaranka usoo adeegay xiliyo kala duwan.

Waxa hadalka qaatay Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Amniga mudane Maxamed Cali Maxamuud (Shabeel) sheegayna inuu kulankani yahay kulamada ugu muhiimsan Dhankiisa maadama ay tahay isbarasho iyo xog-kala qaadasho shaqaalaha iyo madaxdooda ah.

Waxa Hadalka Qaatay isna Wasiiru-dawlaha Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Amniga Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo) oo isaga laftiisu Shaqaalaha Kula Dardaarmay Inay Dadka ugu Adeegaan Sida ugu Wanaagsan Maadama Ay Wasaaradu tahay wasaarad balaadhan una adeegta dhamaan shacabka Somaliland.

Waxa ugu Dambayn Hadalka Qaatay Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Amniga Mudane Cabdalle Maxamed Carab Oo Sheegay Inuu Aad ugu Farsan yahay Kulankan Maadama uu Kulankani muhiim u yahay habsami u socodka shaqada wasaarada.

Ugu dambayntii Wuxuu Wasiirku Shaqaalaha u Sheegay Inaanay Arimaha Siyaasada Dalka Ku Dhex Milmin oo Ay Dhex Ka Noqdaan Maadama Xeerka Shaqaalaha Dawlladu Ka Reebay, Shaqaalaha Inay Siyaasada si Uun Ugu Lugyeeshaan.

Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha Ee Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Amniga

 

 

Xigasho:Wasaarada Arimaha Gudaha jamhuuriyada Somaliland

Bandhige@gmail.com