Waxa booqashii 1aad M/weynaha Somaliland C/raxmaan maxamed C/laahi ku tagay dalka iimaaraadka carabta, tani waxay meesha ka saartay shaki ay dad badani ka qabeen in Xukuumadda Cusubi ay booqashada kowaad ka bilaabayso dalka jabuuti.
Waxa Hore u jirtay in Madaxweynayaashii Somaliland ee Hore sida Cigaal,Rayaale.Silaanyo iyo Muuse Biixi ay safarka ugu horreeya ka bilaabi jireen Jabuuti oo ay u arkayeen waddanka Somali ahaan ugu xiga Somaliland, Hase ayeeshee waxba kamay naasa caddaan tan iyo xiligaas oo ay u arkayeen madaxda Somaliland inay jabuuti mar uun ictiraaf la raadin doonto Somaliland.balse jabuuti waligeed way ka xaglinaysay arrintaas.
Waxa taas caddayn U ah wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Maxamed Cali Yuusuf wuxuu sheegay inay aad uga xumaadeen Heshiiskii MOU ay la gashay Somalilnd dalka Ethiopia jan 2024kii wuxu ku sifeeyay in Muuse biixi dhabarka Toorri kaga dhuftay jabuuti.
Tan iyo wakhtigaasi Jabuuti waxay bilowday inay Somaliland Colaad u caddaysato iyadoo laga arkay TVyada in Niman Somaliland ka soo hor jeeda ay doonayaan inay Jabhad ka abaabulaan,waddanka Jabuuti gudihiisa.
Markaas ka dib Jabuuti iyo Somaliland waxa warbaahinta isu mariyeen hadalo xanaf leh,waxa kale oo soo baxday inay jabuuti Dekedda Tadjourah ugu ballan qaaday Ethiopia si bilaa shuruud ah si ay uga noqoto heshiiska Somaliland in kastoo aanay Ethiopia ka jawaabin deeqdaas, Al muhiim sidaas ayuu ku xumaaday xidhiidhkii jabuuti iyo Somaliland.
Haddaba 13 nov 2024 ayaa doorashadii ka dhacday Somaliland waxa ku guulaystay Xisbiga Waddani oo uu Musharax ka yahay C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) jabuuti way u riyaaqday Guushaa Xisbiga waddani oo waxay u aragtay inuu heshiiskaas MOU ka noqon doono,waxa la sheegay inay Jabuuti wafti ka iman lahaa oo iman lahaa Caleema saarka Madaxweyne Cirro uu Muuse Biixi ka diiday intii aanu xilka wareejin.
Markaa ka dib waxa Aqoonyahan badan oo Reer Somaliland ahi U fiirsanayeen tallaabooyinka ay qaadi doonto dowladda Cusub xagga ay u jihaysan doonto siyaasadda arrimaha Dibadda iyo Gudahaba.iyadoo kolka horeba warar hoose sheegayeen inay jabuuti faro gelin ku haysay doorashadii dhacday 13nov 2024,
Isla markiiba guddoomiayaha Xisbiga muxaafidka ah ee Waddani Xirsi Xaaji Cali Xassan ayaa si kedis ah ku tagay booqasho aan Rasmi ahayn dalka jabuuti,dad badan ayaa walaac ka muujiyay Socdaalkaas oo u maleeyay in xukuumadda Cusubi xaggan iyo Jubuuti xidhiidh la bilaabayso hadda Ogow Jabuuti waxa ku sii xigaa Waa Qadar,Shiinaha iyo Somalia dalalkaasi waa kuwa ka soo horjeeda Somaliland.
Markaas halkaas dad badan oo reer Somaliland ahi way niyad jabeen waxa loo arkay inay Somaliland Cadowgeedii hoos tagtay hase ahaatee may noqon oo Xirsi waxa lagu sheegay Socdaalkiisa Mid shakhsi ah in kastoo Masuulka Mansabkaa Hayaa aanay ahayn inuu Si fudud ku tago waddan Xasaasi ah.oon la isla eegin habka loola macaamilayo.
Tusaale ahaan Marka laga eegayo haddaba xagga Diplomasiyadda Booqashada ugu horraysa ee Madaxweynuhu waxay muujisaa dalkaas uu booqday inuu yahay Saxiibka ugu dhow ee soo jireenka ah ama haddii kale wuxu ku beddelan karaa waddan dano dhaqaale ama siyaasadeed uu ka yeeshay, tusaale Donald Trump wuxu tagi lahaa booqasha ugu Horraysa Dalka UK caadiyan,lakiin wuxu ku bedeshay Saudi Arabia oo u ballan qaadday US $ 600 bilion oo maal gashi ah.waana arrin caalami ah.
Imika haddaba waxa xusid mudan inuu xidhiidhka Somaliland iyo Iimaraadka carabtu uu ahaa xidhiidh fiican oo soo koraya waxana labada waddan ay hore isu waydaarsdeen xafiisyo xidhiidh oo sida safaaradda u shaqeeya (Liason office)
Sidoo kale shirkadda DPW oo laga leeyahay dalka Iimaaradka Carabta ayaa Maalgeshigii ugu waynaa ku Samaysay Dekedda magaalada BER-BERA.
Haddaynu soo koobno waligeed siyaasaddu way Gabi dhaclaysaa oo way is bedeshaa maqaamka lagu soo dhaweeyay muhiim maaha, waxase muhiim ah in M/weyne C/raxmaan Maxamed C/laahi uu raacay waddadii Ictiraafka Somaliland waana Guul.
Rashiid Odowaa
Rashidsalan1982@gmail.com
Bandhige@gmail.com