Taliye Cabdi Xasan: maxaan ku xasuustaa? (WQ: Ahmed Nour Guruje)

Sanadkii 2010 ayaan shaqo la bilaabay qaybta adeegga sharciyadda ee jaamacadda Hargaysa , markaa ka horna Lawyer cusub baan ahaa oo sanad iyo waxoogay uun shaqaynayay.

Inkastoo mudada kooban ee aan shaqaynayay aan dacwado badan galay , horrena aan xafiis lawyer ula shaqaynayay , hadana dacwad ciqaaba maan gelin , waxaan u badna dhinaca madanigga.

Maalin hadaba maalmahaas ka midda , ayaa 2 Lawyer oo xafiiska ka shaqaynaya isku mar shaqaddii ka maqnaadeen , waa ibraahin iidle oo shaqo culus u baxay iyo maxamed abokor oo xanuusaday.

Ibraahin baa ii yeedhay , waxaanu igu yidhi dacwad ciqaaba oo culus oo ba inoo taalee waa inaad gashaa , ana waxaan ku  idhi ciqaab horre umaan gelin ,wuu ii sharaxay , waanu igu calool adaygsiiyey.

Dacwadaas waxaa Eedaysane ka ahaa saaxiib imika halkan inala jooga , eheladiisii oo dhan baa fadhida waa dacwad culus , dhinaca kale  waa la buuxaa.

Cabdi xasan oo markaa ahaa taliye xigeenka Cid ahaa iyo taliyihiisii ayaa ka mid noqday markhaatiyaddii maxkamadda la horkeenay , waxanay noqden 2 markhaati ee ugu horeeyey ee aanu ku kulano dacwad ciqaaba.

Maalintaas ilayn nin cusub baan ahaaye , waxaan xooga saaray suaalo ciidaa ka badan , ugu yaraan mid walbana  suaalo labaatan ku dhaw baan waydiiyey.

si degen oo waayeel nimo ah bay uga jawaabeen suaalihii aan waydiiyay , marar  badana waxay ii saxeen procedurka oo aan ka yara baxbaxayay maadaama aan ahaa lawyer cusub , maxkamaddii kiiska ka socday iyana si hufan bay kiiskii u qaaday , markaasaanu xeer-ilaaliyihii isla beer cadaanay , oo aanu isla kacaa fadhiisanay.

Nasiib wanaag kiiskaas oo ahaa kiiskii koobaad ee aan galayee ciqaab ahaa  waan ku guulaystay imana niyad jebin , ilaa hadeerna Garsoorayaashii waagaa aanu wada shaqayn jirey waxay igu yidhaahdaan soo daa suaalahaagii  daadka ahaa , shaqaduba waxay ku fiican tahay markaad ku cusub tahay.