Telefoonnada casriga ahi waxay sababaan dhibaatooyin dhinaca maskaxda ah (WQ: Kamaal Marjaan)

Qof kasta oo sita taleefanka gacanta ee casriga ahi celcelis 150 jeer ayaa uu maalintii taleefankiisa gacanta eegaa, taas oo ah calaamad kale oo muujinaysa sida ay taleefannada gacantu uga mid noqdeen waxyaabaha ay nafteennu u aragto in ay dhammaystir u yihiin nolol maalmeedkeena.

Waxa uu inoo noqday qalab isgaadhsiineed aan laga maarmi karin iyo balwad aynu qabatinnay gacan ku haynteeda iyo isticmaalkeeda kala duwan.

Laakiin marba marka ka dambaysa waxaa soo kordhaya digniinka sheegaya khataro uu taleefanku ku leeyahay caafimaadka jidhka iyo ka maskaxda labadaba.

Manuel Armayones oo ah xeeldheere ka tirsan jaamacadda Catalonia ee dalka Isbayn isla markaana ah ku xigeenka agaasimaha akademiyadda daraasaadka cilminafsiga iyo cilmiga waxbarashada ayaa dhowaan soo bandhigay shan dhibaato oo qabatinka taleefanka gacantu ay ku keento maskaxda iyo siyaabaha ugu fiican ee looga badbaadi karo.

1. Cabsi ah in ay wax ku seegaan

2. Argagax ah in taleefanku kaa lumo ama waxa afka caafiamadka loogu yeedho Nomophobia

3. Ismoodsiiska codka iyo gariirka taleefanka

4. Khalkhal ku dhaca xusuusta iyo hawlgudashada guud ee maskaxeed

5. Ku tiirsanaan uu qofku wax kasta ka radio internet taas oo shaqadii maskaxda caqabad ku ah

Kamaal Marjaan