Waa Maxay Fursada Maxamuud Xaashi ugu jirta Furista Ururada Siyaasadda (WQ: Mustafe Axmed Maxamed Geeddi)

Dad badan ayaa is waydiinaya maxaa Maxamuud Xaashi u tageersanyahay furista ururadda siyaasadda.?. isaga oo Madaxwayne Biixi ay colaad siyaasaddeed ka dhaxayso, uuna Garsoore ka yahay tartanka oo  waliba uu magaacaabi doono Gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasadda, halkaas oo loo arko kadhad ama dabin lagu reebi doono  siyaasi kasta oo xukuumadu diidantahay, Maxamuud Xaashina kamid yahay.
Haddaba hadii uu dhaqan-gal noqdo xeerka furista  ururada siyaasadda ee khilaafku ka taaganyahay, waxaa isaguna hirgalidoona wax ka badalka Gudida furista ururada siyaaasadda oo uu hadda Madaxwaynuhu magacaabo dhamaantood xubanahaas Gudida Diwaangalinta, kaas oo loo arko arrin ceeb ku ah daah-furnaanta Doorashadda ururada oo ah in Madaxwayne tartan xisbigiisu ku jiraa uu  magacaabo isla gudidii ka garsooraysay tartankaasi. Arragtidaas waxa qaba inta badan Xildhibaanadda Gollaha wakiilada ah ,waxaana gudidaasi noqon doontaa gudi losoo xulo sida gudida Doorashooyinka Somaliland oo ay si wada jira u magacabaan xubnahooda, Golaha Barlamaanka (Wakiilada&Guurtida),Asxaabta siyaasadda  iyo Madaxwaynahu, nidaamkaas oo kale ayay noqon dontaa in lasoo xulo gudida Furista ururadda Siyaasadda waxana noqon donaan gudi u madaxbanaan sida gudida doorashooyina insha allaah  .
Maxamuud Xaashi-na makala jecla iminka Madaxwayne Biixi iyo Xisbiyadda Mucaaridka ah ee wuxuu ku Go’aan qadanayaa jaaniska iyo fursadda marba u muuqata isaga iyo xildhibaanada saxiibadii ah ee ay isku aragtida yihiin-ba .
Markaa dadka is waydiinaya Maxamuud Xaashi hadii ururada la furo Madaxwayne Muuse wuxuu ku reebayaa Gudida Diwaangalinta, waa in ay dareemaan in Gudidii Diwaangalinta Ee Madaxwaynuhu soo xuli jiray ay wax iska badalayaan oo lasoo xuli doono sida Gudida Dorashooyinka ee Somaaliland.
Markaa siyaasi Xaashi marka ay noqoto in aanu jaanis ku haysan mucaaridka iyo maxaafidkaba oo kala quusteen hadda, fursad wanaagsan ayay isaga u tahay hilaadintiisa siyaasaddeed ee furista ururadda siyaasadu ,markaa cid la amakaagsan maxaa Maxamuud Xaashi ugu jira ee dan ah furista ururada siyaasadu iyaga laftigoodu intan ha dareensamadaan.
Intaas waa arragtidayda aan ka qabo Maxamuud Xaashi  iyo Xildhibaanada tageersan ee Golaha Wakiiladda.
W/Q.Mustafe Axmed Maxamed Geedi.
Facebook Mustafe Ahmed Geedi