Xeerarkii Guusha Ee Baraak Obaama Q.1aad (WQ: Kamaal Axmed Cali)

Guushu waa hiigsiga uu aadamaha oo dhami ku riyoodo in uu gaadho, waxa se ay dadku ku kala duwan yihiin dadaalka iyo shaqada ay geliyaan gaadhitaanka guushaas ay hiigsanayaan. Waxaana suurtagal ah in hannaanka ay u maraan iyo halganka ay u galaan ay yihiin sababaha ugu muhiimsan ee ay ugu kala duwan yihiin gaadhista guushaas.

Qormadan waxa aynu ku eegaynaa qodobbo laga ururiyey hadallo kala duwan oo uu madaxweynihii hore ee Maraykanka Barak Obama jeediyey marar uu ka hadlayey fureyaasha guusha iyo jawaabo uu ka bixiyey waxa u suurtageliyey guulaha uu gaadhay, oo ka soo bilowday iska dhal madow ah, aabihii aanu Maraykanka ku dhalan kuna dhaqnayn, soo maray nolol dibjirnimo iyo saboolnimo. Laakiin ku dambeeyey in uu noqdo mid ka mid ah madaxweyneyaashii loogu jeclaa ee soo mara dalka Maraykanka.

1. KUBADDA HORE U WAD
Hore ayaa in badan loogu celceliyey in qofka guushaa gaadhaa uu yahay kan aan ku joogsan caqabadaha iyo turaanturrooyinka ka hor yimaadda inta uu ku jiro geeddiga guusha. Caqabad kasta cashar ka barro horena uga soco. Waxa ay la mid tahay kubadda cagta ee ciyaartoygu uu ku qasban yahay in iska caabbin, turaanturro iyo dib u riixis kasta oo ku timaadda, haddana uu awooddiisa isugu geeyo in uu kubadda kula sii ordo goolka ka soo horjeeda.
‘Kubadda hore u wad’ waa hal-ku-dheg uu Barak Obama lahaa, tan iyo markii uu ahaa abaabule bulsho oo ka hawlgala Chicago, ka hor intii aanu qaadanba shahaadadiisii jaamacadeed oo sharciga ahayd.

2. MAR KASTA RAJO-QAB
“Ka fikir ama sawiro kaddibna u dagaallan, sidii aad u gaadhi lahayd. Kaddibna ku shaqee, adiga oo nafta u sheegaya in uu yahay wax aad gaadhi karto, hoggaamintu waa sidaas” ayaa uu yidhi Barak Obama oo qodobkan sharraxayey, isaga oo intaas ku daray in aanay sax ahayn in qofku inta uu dayaxa eego uu yidhaahdo, aad buu u fogyahay, kaddibna halkaas kaga hadho. Balse laga rabo in uu aamino in la gaadhi karo rajada xitaa teeda aadka u fog.
Waxa uu sheegay in fashilaad ay tahay in qofku inta uu hawsha dusha ka qiimeeyo, kaddibna uu aamino in aan la gaadhi karin, dadkana u sheego in ay halkaas kaga hadhaan riyadaas ama rejadaas.
Barak Obama waxa uu sheegay in jiil kasta noloshiisa, uu ku jiro waqti ay rejo yar oo uu qabay ay rumowday.
Rejo dhiggu waa seeska ay guuldarradu ka bilaabato, haddii aad hiigsi leedahay waa in aad mar kasta ka rejo qabto in aad gaadhayso. Sida ka muuqata buugga uu Barak Obama qoray ee ‘Audacity of hope’ qofku marka uu qabo rejo u sheegaysa in uu gaadhayo halka uu u socdo, wax kasta oo ka sokeeyaa uma muuqdo, waana sababta uu u sheegayo in rejo qabku uu ‘Indho-adkaan’ badan leeyahay.
Rejadaas ayuu Obama kaga soo gudbay marxaladihii kala duwanaa ee noloshiisu ay soo martay, markii uu ka shaqayn jiray u dhaqdhaqaaqista xuquuqda rayidka, markii uu ahaa xeerilaaliyaha xuquuqda madaniga ah, iyo markii uu jaamacadda Chicago ka ahaa bare dhiga sharciga dastuuriga ah intii u dhexeysay sannadihii 1992 illaa 2004.

3. HA IS DHIGAN
Waxaa marar bdan dhacda in qofku uu aqbalo ama aamino fahamka uu shayga ka qaatay in uu saxan yahay, isaga oo aan tijaabo iyo marag caddaynaya midna baadhin. Tusaale ahaan in uu iska aamino in aanay suurtagal ahayn in uu madaxweyne noqdo, in uu qoraa noqdo in uu maalqabeen noqdo iwm.
Iska aaministaasi waxa ay abuurtaa is dhigasho, waxa aanay caqabad ku noqotaa horumarka iyo dadaalka uu qofku samayn lahaa. Waxa ay xannibtaa naf-hurkii uu qofku u samayn lahaa in uu gaadho bartilmaameedkiisa.

Qeex bartilmaameedkaaga aad guusha ku rabto, baro jidadka ay tahay in aad u marto, kaddib maskax, iyo waqti u hur in aad gaadho, adiga oo ka taxaddaraya in aad bartilmaameedyo kala duwan iyo hiigsiyo kala nooc ah yeelato.

Obama waxaa ka go’nayd in uu guul ka gaadho siyaasadda, ka soo bilow markuu u dhaqdhaqaaqayey arrimaha bulshada, markii uu xuquuqda rayidka ka shaqaynayey, markii uu golaha sharci dejinta ee gobalka ku jiray iyo markii u dambaysay ee uu golaha odayaasha ee Maraykanka ugu jiray gobalkiisa. Waana markaas u dambaysa marka guushii uu golaha ku soo galay iyo hawlkarnimadiisuba sumcadda iyo magaca ka heleen dunida. Mar kasta halka uu ku socdaa way u caddayd, meel kalana indhihiisu uma ay hanqal taagayn.

La soco qaybaha dambe…

Kamaal Marjaan