Xuska Sideeda Maarij iyo Mugdiga ku Duugan (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Dumar badan ayaan waxba kala socon, taariikhda maalinta loogu magac daray sideeda maarij amma 08 MARCH. Hadii aad aragto maalin la dabaaldagayo wax lagama maarmaan ah, inay jirto sabab iyo ujeedo loo sameeyey, balse aanay ahayn wax si dabiici ah u yimid oo keliya.

Sooyaalka dhabta ah.

Sannadkii 1857 kii bishii sadexaad sideedeedii waxa mudaharaaday dumar ka shaqaynayey magaalada NEW YORK ee dalka maraykan, iyagoo ka cabanayey mushahar yari iyo culays xad-dhaaf ah, oo ka soo waajahay shaqada. Booliska magaalada NEW YORK ayaa xoog ku kala dareeriyey, aakhirkiina waxa istaagay mudaharaadkii. Isla maalintaasi dumarkii mudaharaaday waxay samaysteen urur u dooda xaqooda iyo mushahar yaraanta soo food saartay.

Sannadkii 1908 kii bishii saddexaad sideedeedii ayey mar kale mudaharaadeen dumar gaadhaya 15,000magaalada NEW YORK, iyagoo ka cabanaya in loo ogolaado inay codeeyaan doorashooyinka dalka maraykan ka dhici doona. Waayo hore umay codayn jirin. Mudaharaadkan waxa soo qaban qaabiyey ururkii ay samaysteen dumarkii ka qaybgalay mudaharaadkii hore.

Sannadkii 1909 kii bishii saddexaad sideedeedii ayaa la qabtay shir caalami ah, oo ka dhacay magaalada COPENHAGEN ee dalka deenimaarik, waxaana shirkan loogu yeedhay maalinta haweenka yurub. Shirkan waxa ka soo qaybgalay 17 dal oo reer yurub ah, waxaana lagu go’aamiyey in sanad ksata la xuso maanlintan, loona dabaaldago islamarkaana la raadiyo xuquuqda dumarka ka maqan.

Sannadkii 1911 kii waxa dhacay dabaaldagii ugu weynaa ee soo mara taariikhda adduunka, waxa hal mar isu-soo baxay maalayiin dumar ah, ka kala tirsan wadamada: ustareeliya, jarmal, deenimaarik, iswiirlan, ingiriiska, faranciiska, talyaaniga, giriiga iyo holan. Iyagoo ka cabanayey gumaysi dumarka lagu hayo iyo waliba ninka oo naagtiisa nin kale ka iibiya si uu dhaqaale uga helo. Waana markii ugu horaysay ee caalami laga dhiga sideeda maarij.

Sannadadii 1913,1914, 1915 waxa mudaharaaday dumarka yurub iyo ruushka iyagoo dalbanayey in la joojiyo dagaalkii labaad ee dunida, islamarkaana loo soo celiyo ragoodii, oo ku maqan dagaalka.

Sannadkii 1921 kii waxa qaraar soo saaray hogaamihii midowga soofiyat mr LENIN wuxuuna ku dhawaaqay in sideeda maarij ay noqoto maalinta haweenka adduunka.

Sannadkii 1923 waxa banana bax weyn sameeyey dumarka ku dhaqan koonfurta ameerika iyo aasiyada bari,iyagoo ka cabanayey in laga daayo in ragoodu ka kireeyaan rag kale, si ay u helaan dhaqaale.

Sannadkii 1977 Qaramada Midoobay ayaa saaray go’aan ahaa in wadan kastaa sameeyo dabaaldag maalinta haweenka adduunka, si loo cidhib tiro dhaqamada xun ee ay ka mid yihiin: xaq la’aan, codbinin la’aan, gaajo, kufsi, dumarka la kireeyo, dumar la iibiyo, adoonsiga IWM.

Ugu dambayntii , halkaasi waxa inooga muuqda inay taariikhda sideeda maarij tahay, dhib lagu hayey dumarka, iyadoo ay  ugu wacnayd diin la’aan iyo dhaqan la’aan.

Talo: Dumarka Somaliland hadday doonayaan inay ka doodaan ka qaybgalka siyaasada dalka ha samaystaan maalin ka duwan tan dumarka reer galbeedku samaysteen.

Bal weddiimahan ha ka fikiraan dumarka reer Somaliland .

  • dumarka miyaa la dulmiyey?
  • ma ha codayn ayaa lagu yidhi?
  • ma gaajo ayaa haysa?
  • ma addoonsi ayaa lagu hayaa?
  • mise dumarkan aynu soo sheegnay ee la iibin jiray ayay iska daba yaacayaan?

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan.

 Calicoomay@gmail.com

Tixraacyo:

www.un.org/en/events/womensday/history.shtm

https://en.wikipedia.org/wiki/International_Women’s_Day

www.onthisday.com/events/march/8

www.on-this-day.com/onthisday/thedays/alldays/mar08.htm