Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis oo xaalad caafimaad loo dhigay cusbitaal ku yaala magaalada Riyaad

Boqor Salmaan oo xaalad caafimaad loo dhigay cusbitaal ku yaala magaalada Riyaad

Hogaamiyaha 84-jirka ah, oo dalka xukumayay ilaa iyo 2015, ayaa baadhitaan caafimaad waxa uu ku maraayay caasimada, wakaalada wararka ee SPA ayaa sheegtay maanta.

Sida ay sheegtay warbaahinta dawlada ee dalkaasi waxaa cusbitaalka loo qaaday boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis isaga oo la il daran xannuun dhanka kaadi heyska ah.

Ra’iisal wasaaraha Ciraq Mustafa al-Kadhimi ayaa dib u dhigay booqashadiisa qorsheysan ee uu ku tegi lahaa Riyadh ka dib markii la dhigay cisbitaalka King Salmaan, wasiirka arimaha dibada Sacuudiga ayaa sidaas yidhi.

Bandhige@gmail.com