Wasiir Cabdilaahi Abokor oo Ka Hadlay Cabashada Ku Saabsan Saami-Qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada ee Ka Soo Yeedhay Madax Dhaqameedka iyo Aqoonyahanka Gobolka Awdal

Wasiirka Wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta Jidadka JSL Cabdilaahi Abokor Cismaan oo hadal ka jeediyey munaasibad lagu qabtay magaalada Burco, ayaa soo qaaday cabashada ku saabsan saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada ee ka soo yeedhay Madaxdhaqameedka iyo aqoonyahanka Gobolka Awdal, taasoo uu ku tilmaamay Wasiirku tabasho aan waafaqsanayn hanaanka Doorashooyinka iyo shuruucda dalka.

Wasiir Cabdilaahi Abokor, waxa uu tilmaamay in laga soo gudbay marxaladii ay qabaa’ilku ku gorgortamayeen saamiga Kuraasida Wakiillada, kuna salaysan yihiin Doorashooyinku Qof iyo cod, habka ay goboladu u kala helayaan xildhibaanaduna ay ku xidhan tahay tirada gobol walba isu diwaan-gelisa codbixiye.

Wasiirku waxa kale oo uu xusay in haddii cidi saami ka maqan oo gobol ka cabanayso ay gobolada Maroodi-jeex iyo Togdheer ka maqan yihiin kuraas badan oo u soo bixi lahayd, balse Awdal aan looga fadhiyin buuqa iyo cabashada ka soo yeedhaysa:-“Dastuurbaynu leenahay aynu ku dhaqmaynay 1991-kii ilaa 2002-kii, waxaynu u gudubnay nidaamka Asxaabta badan oo ah nidaam Dimuquraadi ah. waxa la yidhaahdo Awood qabsigu wuxuu ku salaysnaa nidaamkii Axdi-qarameedka”ayuu yidhi “laakiinse laga bilaabo 2002-kii waxaynu u gudubnay nidaamka asxaabta badan, nidaamkaasi dimuquraadiguna malaha wax la yidhaahdo Saami-qaybsi, laakiinse wuxuu leeyahay wax la yidhaahdo metelaad oo ku xidhan dadka wax dooranaya”.

Wasiirka waxa uu isagoo hadalka sii wata intaa ku daray “waxaan aaminsan yahay gobolka Awdal oo iminka cabatinka ugu badani ka jiro, nidaamka aynu qaadanay waxa hormuud u ahaa madaxweyne ka soo jeeda gobolka Awdal oo ah Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.

waxaad ogtihiin 2005-kii markii Doorashada golaha Wakiillada la doonayey in la galo, golihii Wakiillada ee wakhtigaas jiray waxay ansixiyeen xeer. xeerkaasi kumay qornayn wax la yidhaahdo saami-qaybsi, dooddu waxa ay ahayd si loo jaan-gooyo metelaada gobolada in la sameeyo tiro-koob, tiro koobkii suurtogal muu noqon wakhtigoo yaraa awgeed, kaddib waxay ku codeeyeen saddex meelood laba meelood (Absuletly Majority Vote), madaxweynuhu markaa awood umuu lahayn uu ku soo celiyo Baarlamanka, laakiinse xaq wuxuu u lahaa in uu u gudbiyo Maxkamadda Distooriga ah si ay uga garnaqdo doodda sharci.

Maxkamadda Dastuuriga ahayd waxa ay go’aamisay in Doorashada lagu galo sidii aynu ahayn 1960-kii, isla markaana Dawladda waxa ay ku amartay in la sameeyo Tiro-koob, runtii nasiib-darro saddexdii dawladdood ee isaga dambeeyey ilaa iyo wakhtigaasi kumay guulaysan wax la yidhaahdo tiro-koob”ayuu sharaxaad dheer ku bixiyey Wasiirku isagoo doonaya in uu Shacabka ka qanciyo waxa loogu yeedhayo saami-qaybsiga.

Wasiirku isagoo hadalka sii wada, waxa uu sheegay in Diwaan-gelinihii la sameeyey ee midkood Doorashada lagu galay ay noqon karaan wax lagu salayn karo Doorashada Wakiillada.

“laakinse waxaynu haysanaa Diwaan-gelinno aynu maanta ku dhaqmi karno, anigu waxaan aaminsanahay labada gobol ee ku dulman nidaamkan iminka jira waxa weeye Maroodi-jeex iyo Togdheer. gobolka Maroodi-jeex 42% kamida dadka reer Somaliland ayaa ka codeeya sare, waxaanay noqonaysaa in ay 34 xildhibaan uu helo, gobolka Togdheer oo iminka 15 xildhibaan ka soo baxaana haddii loo eeggo tirada dadkii isu-diwaangeliyey codbixiyeyaasha doorashadii 2017-kii wuxuu isna helayaa 18 xildhibaan.”

Wasiir Abokor waxa uu si toosa ula hadlay Bulshada reer Awdal, isagoo canaan u jeediyey “Waxa ayaan darro ah labadii gobol ee wax u kordhi lahaayeen maanta kama hadlayaan wax la yidhaahdo metelaad, waxaase ceeb ah in nin aqoonyahan ahi uu yidhaahdo waxaan ka hadlayaa saami-qaybsi. waar saami-qaybsi maxaa keenay qof iyo cod baynu taaganahaye. gobolka Awdal waxaan aaminsanahay in uu haysto sed saayid ah ee Doorashada yaan la carqaladayn saami-qaybsi suurtogal maaha inagoo qaadanay nidaamkan Dimuquraadiyada ahe”ayuu yidhi.

Gebagebadii waxa uu Wasiirku shaaca ka qaaday in gobol kastaaba tirada xildhibaanadiisa ku heli doono xadiga Bulshada iska-tiro koobta, hase yeeshee aanay dhici karin in gobol saami ku raadiyo hab qabiil amma qaab kale oo ka hor imanaysa nidaamka Dimuquraadiyada.

Hoos ka daawo muuqaalka warkan: