Boqorka Sacuudi Carabiya Salman Bin Cabdicasiis Ayaa Adduunka Ku Boorriyay In Mowqif Adag Laga Qaato Iran

Boqorka Sacuudi Carabiya Salman bin Abdulaziz Al Saud ayaa khamiistii aduunka ku booriyay in ay qaataan “go’aan adag” si wax looga qabto dadaalada ay wado Iiraan ee lagu horumarinayo barnaamijyada nukliyeerka iyo gantaalaha ballistic, waxa uu kaga hadlay khudbadiisa sanadlaha ah ee hay’adda ugu sareysa latalinta dowlada.

Ma jiraan wax jawaab celin deg deg ah oo ka yimid dhanka Iran oo ku aadan hadalka boqorka, laakiin Tehran oo kamid ah UN-ka ayaa ku tilmaamtay hadallada boqorka “eedeymo aan sal iyo raad lahayn” waxayna beenisay inay hubayso kooxaha ka dagaalama bariga dhexe.

Xiisadaha ka taagan gobolka ayaa sare u kacay tan iyo markii Donald Trump uu Mareykanka ka saaray heshiiskii caalamiga ahaa ee Niyukleerka Iran ee 2018.

Ilwareed: Wakaalada Caalamiga Ah

Bandhige@gmail.com