Xiisadda Tigray: Dadka deegaanka ayaa lagu amray inay iska difaacaan ciidanka Itoobiya

Dadka degan waqooyiga gobolka Tigray ee Itoobiya ayaa amar lagu siiyay inay abaabulaan masuuliinta maamulka oo sheegay inay waajib ku tahay inay “iska difaacaan” iskudayga gardarada cad ee uga imanaya dhanka dowlada federaalka.

Cabsida ayaa kusii kordheysa dagaalada sokeeye ee ka socda wadanka dhaca bariga qaarada Afrika.

Raiiselwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa goor sii horeysay diiday codsi wadahadal nabadeed oo uga yimid maamulka Tigray.

Kala qeybsanaanta qowmiyadeed ayaa ku soo kordheysay dalka Itoobiya iyadoo bulshooyinka qaar ay muujinayaan rabitaankooda ku aaddan is-xukunka.

Xilliyadii ugu dambeeyay, kooxda TPLF waxay ka dhega adeygtay mamnuucida qaran ee doorashooyinka sababo la xiriira coronavirus. Mr Abiy ayaa kajawaabay kuna tilmaamay codkooda sharci daro.

Ilwareed: Wakaalada Caalamiga Ah

Bandhige@gmail.com