Farriin ku socota ururrada maxaliga oo ku saabsan dib u habaynta ururrada aan dawliga ahayn (NGOs)

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Qorshaynta Qaranka ayaa sidan u dhigan:
Waajibaadka Qaran ee ay Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranku u xil saran tahay waxaa kamida Diwaan gelinta,Kala-xadaynta,La talinta, Horumarinta Ururadda maxaliga ah ee an dawliga ahayn(NGOs) iyo inay soo saarto Diwaan sax ah oo sheegaya tirada Ururadda sida sharciga ah hawl gal iyo Mashaariic uga fulin kara Dalka.
Sidaa darteed Wasaaraddu iyadoo raacaysa Xeerarka,Sharciyada iyo Habraacyadda u dejisan Maamulida NGOs-ka dalka,Waxay faraynaa dhamaan Ururadda Maxaliga ee aan dawliga ahayn.
1. In urur kasta oo diwaan gelin ugu dambaysay ssanadkii 2016- kii iyo wixii ka horeeyey aanu ahayn urur jira sharci ahaan,sidaas darteedna ay Wasaaraddu liiska ka saarayso,loona aqoonsado urur baaba’ay.
2. In urur kasta oo ay diwaan gelin ugu dambaysay wixii ka dambeeyey sanadkii 2017-kii uu haysto laga bilaabo 25/07/2021 ilaa 25/08/2021 in uu dib isugu diwaan geliyo.
Ururka aan dib isugu diwaan gelin mudadaas bisha ah Wasaaraddu waxay u aqoon sanaysaa urur aan jirin oo baaba’ay,waana laga saarayaa liiska Ururadda la aqoon sanyahay.
Haddaba mudo laba bilood ah gudahood Wasaaraddu waxay soo saari doontaa liiska rasmiga ah ee Ururadda maxaliga ee aan dawliga ahayn,kaas oo sifo sharci ah ku shaqayn doona kana mid noqon doona Dalladaha aan dawliga ahayn.
Xafiiska Xidhiidhka iyo Warbaahinta
WQHQ