Gudoomiye Cabdiraxmaan cirro ayaa sheegay in xogayihii iyo afhayeenkii xisbiga waddani loo qaaday xabsida mandheera

Gudoomiyaha xisbiga Waddani Cbadiraxmaan Cirro ayaa waxa uu shaaciyay in xoghayihii iyo afhayeenkii xisbiga waddani oo xalay ciidamada booliiska somaliland xidheen subaxnimadii saaka loo dhaadhiciyay xabsiga mandheera, kaasi oo ku tilmaamay fal argagixiso ah oo aan sinnaba loo aqbali karayn.

Gudoomiyuhu waxa uu sidoo kale ugu baaqay xukuumadda Somaliland in xorriyadoodii si degdeg ah dib loogu soo celiyo. gudoomiyaha ayaa qoraal uu goordhawayd soo dhigay baraha bulshada ku xaqiijiyay arrintan.

“Xoghayaha Guud iyo Afhayeenka Xisbiga waxaa loo dhaadhiciyey Maandheera, falkaasi waa fal argagixiso ah oo aan sinnaba loo aqbali karayn.

Mar labaad baan ku baaqayaa in xorriyadoodii si degdeg ah dib loogu soo celiyo. Muuse iyo gacan-yarayaashiisu nabadda ha ilaaliyaan”

Bandhige@gmail.com