Khadar Xuseen Cabdi wuxu shaaciyey in uu u taagan yahay kursiga Xoghaya Guud ee Waddani

Xoghayaha hadda xilka haya ee xisbiga mucaaradka ugu weyn ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi ayaa shaaciyey in uu u sharaxan yahay jagada xoghayenimo ee xisbiga waddani.

Wuxu maanta kaga dhawaaqay xarunta dhexe ee xisbiga Waddani ee magaalada Hargeysa.

Xoghaye Khadar ayaa sheegay in uu siyaasadda u soo galay in uu nolosha dadka wax ka beddelo, isla markaana ka mid noqota inta horseedaysa siyaasad ku dhisan aqoon iyo aragti.

Xoghaye Khadar wuxu dhallinyarada ugu baaqay in ay soo galaan siyaasadda, si ay wax uga beddelaan dhaqanka siyaasadeed ee ka jira Somaliland.