Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo dib loo doortay, dunida galbeedka oo ku faraxday

Madaxweynaha hadda ee Faransiiska Emmanuel Macron ayaa si weyn uga guulaystay Marine Le Pen oo kula tartamaysay doorashada. Isagu wuxu ku guulaystay 59%, iyaduna waxay ku guulaystay 41% codadkii la dhiibtay.

Dunida reer galbeedka ayaa farta wadnahay ku haysa iyagoo ka cabsi qabay in ay mudh soo tiraahdo haweenayday xagjirka ah ee hoggaaminaysay midigta fog ee dalka Faransiiska. Haddii ay iyadu guulaysan lahayd waxaa is beddeli lahaa xidhiidhka uu Faransiisku la leeyahay Midowga Yurub iyo guud ahaanba dunida reer Galbeedka.

Marine Le Pen ayaa iyadu ka soo horjeedda fikradda caalamiyeynta, waxayna aaminsan tahay in dawladda Faransiisku ay ku ekaato xallinta mashaakilaadka gudaha dalka Faransiiska.

In kastoo ay guul-daraysatay La Pen haddana waa markii ay tiradii ugu badnaa oo codad ah helaan midigta fog taariikhda Faransiiska, taas oo ka dhigan in kooxdan xagjirka ahi ay ku soo durkayaan talada dalka.

Tiradad dadka ka soomay in ay codkooda dhiibtaan ayaa doorkan aad u badnaa kuwaas oo gaadhayey 28%, waa tiro ka badan codadka ay heshay Marine Le Pen. Kuwa diiday in ay codkooda dhiibtaan ayaa sheegay in ay waayeen wax ay kala doortaan kadib markii murashaxiintii ay taageersanaayeen ku hadheen wareeggii koowaad ee doorashada oo la qabtay 20kii April.

Emmanuel Macron ayaa loo arkaa oday reer Yurub ah oo gadhwadeen ka ah caqabado badan oo dunida ka jira sida dagaalka Yukrayn iyo ka hor tagga isbeddelka cimilada.

Emmanuel Macron wuxu taariikhda ku galayaa madaxweynihii koowaad ee dalka Faransiiska dib loo soo doorto muddo 20 sanno ah.

Bandhige@gmail.com