Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Joe Biden ayaa wasiirkiisa arrimaha dibadda u magacaabay Antony Blinken

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Joe Biden ayaa wasiirkiisa arrimaha dibadda u magacaabay Antony Blinken

Blinken waxa uu hore u ahaan jiray lataliyaha siyaasadda arrimaha dibadda ee Biden xilligii uu ol’olaha ku jiray, sida oo kale xilligii madaxweyne Obama talada haye waxa uu soo maray laba xil oo kala ahaa ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda iyo ku xigeenka wakaaladda amniga qaranka ee NSA.

Waa 58 jir sharciga bartay oo aaminsan aadna u difaaca in Maraykanku uu buuxiyo kaalinta hoggaamineed ee adduunka isla markaana xoojiyo isbahaysiga uu la leeyahay dunida iyo in uu abuuro danwadaag si looga hortago Shiinaha, taas oo aad uga soo horjeedda siyaasaddii uu madaxweyne Trump afartii sano ee u dambeeyey dalka Maraykanka ku hoggaaminayey.

Masuulkan ayaa dhowaan sheegay in uu aad uga walaacsan yahay dagaalka ka socda Itoobiya, waxa aanu ku baaqay in colaadda la qaboojiyo, dhinacyaduna ogolaadaan in gargaarka bani’aadamnimo uu gaadho dadka baahan.

Xigasho: Marjan media