Midowga Afrika oo cambaareeyey muddo korodhsigii loo sameeyey Farmaajo

Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika ayaa shir uu maanta ka yeeshay arrimaha Soomaaliya wuxu cambeereeyey go’aankii uu Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya muddada ugu kordhiyey Madaxweyne Farmaajo.

Go’aankan ayay Midowga Afrika ku sheegeen mid habsaamiyey doorashadii isla markaana hantaaqo u gaystay midnimadii iyo xasilloonidii dalka.

Midowga Afrika ayaa ku baaqay in ay Soomaalidu isugu timaad miiska wada hadalka, isla markaana ay wada-hadalkooda saldhig uga dhigaan heshiiskii doorashada ee la saxeexay 17kii September 2021.

Soomaaliya ayaa dhinaceeda ku eedaysay Jabuuti iyo Kiiniya in ay ka dambeeyaan tallaabooyin lagu hagardaamaynayo Soomaaliya, taas oo aanay wax caddaymo ah soo bandhigin haba yaraatee.

Bandhige@gmail.com