Ololaha doorashada madaxtinimada ee dalka Guinea Bissau ayaa bilaabmay xilli xasillooni darro siyaasadeed ay ka jirto waddankaas

Ololaha doorashada madaxtinimada dalka Guinea Bissau oo loo mudeeyay 24-ka November ayaa maalinimadii shalay ahayd ka bilaabmay, iyada oo wali dalkaasi kujiro xaalad xasilooni darro siyaasadeed.

Madaxweyne Jose Mario Vaz ayaa shaqada ka eryay ra’iisal wasaarihii dalka, wuxuuna soo magacaabay mid cusub, taasoo sii xoojineysa halganka awoodeed ee qadhaadh oo u dhexeeya isaga iyo xisbiga talada haya kahor doorashada madaxweynaha ee bisha dambe.

Laakiin arrinta layaabka leh ee ka dhalatay qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira waddanka Galbeedka Afrika, ayaa waxay tahay kadib markii  Aristide Gomes, ra’iisul wasaarihii shaqada laga joojiyay, uu sheegay inaanu xafiiska ka tegi doonin isaga oo ku sheegay mid Sharci darro ah.

Madaxwayne Vaz, oo mar labaad u tartamaya doorashada madaxtinimada November 24, ayaa kala diray dawladda goor dambe oo Isniintii ahayd, isagoo sheegay in xaaladda siyaasadeed ay wiiqayso shaqadii caadiga ahayd ee hay’adaha dawladda ee dalka.

Salaasadii ayay ahayd markii uu madaxwayne Vaz uu ra’iisal wasaare u magacaabay Faustino Fudut.

Gomes, oo loo xilsaaray shaqada Xisbiga Midnimada Afrika ee Madax-bannaanida Guinea iyo Cape Verde (PAIGC), oo aqlabiyad ku leh baarlamaanka, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay inuu diidan yahay inuu tago. Gomes wuxuu sheegay in amarada Vaz ay yihiin sharci-darro tan iyo markii madaxweynaha waqtigiisa la geeyay farsamo ahaan 23-ka Juun.

Urur goboleedka Galbeedka Afrika ECOWAS ayaa ku dhawaaqay maalmo kadib in Vaz, oo 61 jir ah, uu sii joogi karo xafiiska ilaa doorashada November.

Waddanka Guinea-Bissau waxaa soo food saartay cabsi badan oo xasilooni darro ah tan iyo markii ay xorriyadda ka qaadatay Portugal 1974.

Imisa musharax ayaa ka qayb geli kara doorashada madaxtinimada ee Dalka Guinea Bissau?

Sida ku xusan liiska ay daabacday maxkamada sare ee cadaalada Guinea-Bissau, wadar ahaan 12 murashax ayaa u tartami doona jagada madaxweynenimada, oo ay kujiraan madaxweynaha talada haya Vaz iyo Domingos Simoes Pereira, oo musharraxa ka ah xisbiga PAIGC.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii ay waddooyinka caasimada Bissau ka dhaceen mudaharaadyo  siyaasadeed oo naadir ah oo lagaga soo horjeeday dowladda Gomes, iyagoo dalbanaya in doorashada dib loo dhigo si liisaska cod-bixiyeyaasha loo hubiyo inay wax khaldan yihiin.

 

 

Bandhige@gmail.com