Shirka sanadlaha ah ee qiimaynta iyo dib u eegista Qorshaha Waxabarashada Qaranka oo maanta Hargeysa ka furmay

Waxaa maanta ka furmay magaalada Hargaysa Shirka sanadlaha ah ee qiimaynta iyo dib-u-eegista Qorshaha Waxabarashada Qaranka JSL.

Shirka waxa si rasmi ah u furay Madaxweyne Kuxigeenka Jamhuuriyada Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici.  Waxa sidoo kale iyaguna ka soo qaybgalay Wasiirka Qorshaynta JSL Md. Cabdiraxiin Cismaan X. Cabdi (Shibiin), Wasiirka Shaqo-galinta & Arrimaha Bulshada JSL marwo Hinda Jaamac Gaani, xubno ka socda Goleyaasha Wakiilada & Guurtida JSL.

Dhanka kale waxaa shirka joogay Wefti uu hogaaminayo Safiirka Midowga Yurub (EU) Mr. Nicolas, madaxa Sanduuqa Waxbarashada Caalamaiga ah (GPE) Mr. Morten, madaxa Hay’addaha Qaramada Midoobay iyo kuwa Caalamiga ah oo uu ugu horeeyo Madaxa Hay’adda Save The Children Maxamuud Maxamed Xassan.

Shirku wuxuu socon doonaa labada maalmood ee soo socda taas oo lagu soo bandhigo laguna lafaguri doono qorshihii sanadka 2019 wixii ka fulay, waxaana la iskula qaadan doono qorshaha waxbarashada sanadka 2020.