Warsaxaafadeed: Xarunta Xuquuqal Insaanku waxa ay canbaaraynaysa xadhiga mucaaradka iyo suxufiyiinta Somaliland

 

Warbixin ay soo saartay Xarunta Xuquuqal Insaanku waxa ay ku tilmaantay in xukuumadda Somaliland ay xidhay todoba murashax oo mucaarad ah, halka ay sadex kale ku raad joogto iyada oo laba ka mid ah ay Booliisku cadeeyeen in loo jaray amar maxkamadeed oo lagu soo qabanayo.

Xadhiga murashaxiinta mucaaradku waxa ay lid ku tahay Dastuurka Somaliland iyo xeerarka doorashooyinka. Dastuurku waxa uu ogol yahay muwaadin kasta inuu is-sharaxo oo uu ku biiro xisbiga uu doono. Xeerka Doorashooyinku waxa uu xasaanad siiyay murashaxiinta oo ay tahay inaan la xidhin hadii aan lagu qaban dembi ay faraha kula jiraan.

Cago-juglaynta iyo faro-gelinta uu Booliiska Somaliland ku hayo doorashooyinka Somaliland waxa ay caqabad ku yihiin mabaadida aasaaska u ah doorashooyinka xorta iyo xalaasha ah.

Dhinaca kale afartii bilood ee u danbeeyey waxa Somaliland lagu xidhay todoba suxufi. Xadhiga suxufiyiintu waa tacadi ka soo horjeeda dastuurka Somaliland.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxa ay ugu baaqsaa xukuumadda Somaliland inay joojiso xadhiga iyo cago-juglaynta ay ku hayso mucaaradka iyo inay xorriyadooda u soo celiso siyaasiyiinta iyo murashaxiinta mucaaradka ah.

Xaruntu waxa ay ugu baaqaysaa Gudida Qaran ee Doorashooyinka inay kormeeraan xuquuqaha iyo xorriyaadka la xidhiidha doorashooyinka iyo in xisbiyadu iyo xukuumaddu fuliyaan xeerarka iyo xeer-nidaamiyayaasha u yaal doorashooyinka.

Saxaafaddu waa u muhiim doorashooyinka islamarkaana waxa waajib ah in loo ogolaado inay shaqadooda u qabsadaan si aan cabsi lahayn. Iyada oo taasi ay muhiim sii tahay xilligan lagu jiro doorashada.

 

Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka,

Hargeysa Somaliland

hrcsomaliland@gmail.com

Twitter: @hrcsomaliland