Wasaaradda H. Caaafimaadka JSL Oo Kulan Ka Yeelatay Kahortaga & Xakamaynta Laba-kaclaynta Halista Covid-19 Oo Xiliga Qaboobaha Dalka & Dunidaba Siyaadaysa

Shir uu gudoominayay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caaafimaadka JSL Mud: Cumar Cali Cabdilaahi oo ah kasoo qayb galeen masuuliyiin Agaasimayaasha Waaxaha W.H.Caafimaadka JSL oo ka qabsoomay Xaaruunta Wasaaradda H Caafimaadka JSL ayaa lagaga hadlay diyaar garowga, Kahortaga iyo xakamaynta xanuunka Coronavirus oo xiligan qaboobaha markale halistiisa laga dareemayo dalka iyo guud ahaan duniddaba.

Kulankan oo arimaha lagaga xaajooday ayaa kamid ahaayeen : 1. Xaaruumaha daawaynta iyo daryeelka ee xanuunka Coronavirus. 2. Kor u qaadista aqoonta, dhakhaatiirta iyo tababarada hawl-wadeenada ka hawl gala xaaruumaha daawaynta bukaanka Coronavirus. 3. Dardar galinta iyo dib u habaynta xaaruumaha wicitaanka ama xidhiidhka (Call Centers-ka). 4. Diyaarinta daawooyinka, gaadiidka, Oxygen-ta IWM ee ku filnaan kara baahiya bukaanka muhiimka u ah daawaynta. 5. Dardar galinta wacyigalinta iyo baraarujinta Kahortaga iyo xakamaynta xanuunka Coronavirus.

Kulankan ayaa qayb ka ah kulamada joogtada ah ee Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caaafimaadka JSL uu la yeesho saraakiisha iyo hawl-wadeenada Wasaaradda H Caafimaadka JSL.

Sidoo kale, Wasaaradda H. Caafimaadka JSL waxay fariin cafimaad oo wacyigalin ah udiraysa bulshada somaliland. Iyada uga digaysa halista Covid-19 oo xiligan qaboobaha dalka & dunidaba ku siyaadaysa.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL ayaa deddaal adag ugu jirta buuxinta baahiyaha caafimaadka iyo horumarinta adeega caafimaadka dalka Somaliland.

 

Xafiiskiisa Xidhiidhka Dadweynaha & Warbaahinta

Wasaaradda Horumarinta Caaafimaadka JSL