Wasaaradda shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska oo maanta qabatay shirwayne diirada lagu saaraayo qorshe hawleedka sanadka 2020

Wasaaradda shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska jamhuuriyada Soomaliland ayaa maanta qabatay shirwaynaha qorshaha wasaaradda ee sanadka 2020.

Qorshahaas oo ka imanaya qorshaha wasaarada ee 2018 -2021 waafaqsana qorshaha labaad ee qaranka iyo Buuga xisbiga kulmiye.

Wasaaradda shaqo gelinta arrimaha Bulshadda iyo qoyska jamhuuriyadda soomaliland ayaa manta qabatay shirwayne diirada lagu saaraayo qorshe hawleedka sanadka 2020.

Shirkan ayaa daba socday shir ay wasaaradu hore u qabatay isla markaana isla xisaabtan ahaa, waxaanu  socon doona mudo laba cisho ah.

Kulan hawleedkan ayaa waxaa hogaaminaya masuuliyiinta wasaaradda oo ay ugu horeeyaan wasiirka wasaaradda marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani iyo agaasimaha Guud Ee Wasaaradda mudane Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan.