Wasaaradda waxbarashada Somaliland oo maanta gudoonsiisay dhammaan dugsiyada gaarka loo leeyahay ee gobolka Gabiley ruqsada sannadlaha ah

Wasaaradda waxbarashada iyo saynika Somaliland ayaa maanta guddoonsiisay dhammaan dugsiyada gaarka loo leeyahay ee gobolka Gabiley ruqsada sannadlaha ah ee dugsiyada gaarka ah.

Agaasimaha waaxda dugsiyada gaarka ah ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Md.Amiin Maxamed Axmed ayaa si adag u sheegay, in aanay imtixaanka shahaadiga ah u ogolaan doonin dugsiyada aan qaadan ruqsada dib u cusboonaysiinta dugsiyada gaarka ah.

Dhanka kale, waxa uu ugu baaqay waalidiinta ay caruurtoodu wax ka barato dugsiyada gaarka ah, in ay hubiyaan in dugsigaasi ruqsada ka haysto wasaaradda waxbarashada iyo sayniska.

Guud ahaan, dugsiyada gaarka ah ee ruqsada sanadlaha ah ka qaatay wasaaradda waxbarashada ayey tiradoodu kor u dhaaftay 100 dugsi.