Wasaradda Hawlaha Guud Dhulka iyo Guryeynta jsl ayaa Maanta ka fulisay Naqshadaynta Magaalada (Master plan) Magaalada Gabiley

Waxa maanta jihada galbeed ee magaalada Gabilay laga bilaabay qorsheynta casriga ah ee fiditaanka magaalada hanaanka loo yaqaan master plan ka taasoo loogu talo galay in magaalada jiho kasta looga saaro hal kiilomitir

Qorshahan oo ah mid lagu balaadhinayo Magaaladda Gabilay ayaa waxa ka qeyb galay Agaasimaha guud ee wasaaradda hawlaha guud, Dhulka iyo Guryeynta Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur, Agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigalinta Mukhtaar Maxamed Cali Badhasaabka gobolka Gabilay Maxamed Cismaan Xaaji Axmed Maayirka magaalada gabilay Maxamed amiin Cumar Cabdi iyo Xubno ka mida Xildhibaanada golaha deegaanka degmada Gabilay.

Isu duwaha wasaarada hawlaha guud iyo guryeynta ee gobolka gabilay Cabdi Cali Cilmi oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay bilaabeen sidii ay u fidi lahayd magaaladu taasoo bilic usoo kardhin doonta magaalada

Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee wasarada Hawlaha Guud Eng.Ciise Maxamuud Ciise ayaa isna ka warbixiyay Farsamada iyo marxaladaha uu marayo master plan ka magalada Gabiley

Maayirka magaalada gabilay Maxamed amiin oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka codsaday dadka beerha leh ee hawshaasi ay saamayn doonto in ay la shaqeeyaan dawlada hoose

Agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyi galinta Mukhtaar Maxamed Cali oo ka hadlay halkaasi ayaa sheegay in ay soo dhawayanayaan talaabada horumarka leh waxaanu xusay in sharcigii uu sareeyay taasoo ka mid ahayd balan qaadkii Madaxweynaha wakhtigii uu olalaha ku jiray waxaanu intaa ku daray in qorshani uu bilic iyo wanaag usoo jiidi doono

gabagabdii waxa halkaasi hadalo kooban kazoo jeediyay Agaasimaha guud ee wasaarada hawlaha guud Cilmi Cabaraxmaan Cashuur oo ku bogaadiyay maamulka degmada talaabada ay qaadeen isagoo dadkana usoo jeediyay in ay la shaqeeyaan golaha deegaanka maadama laga shaqaynayo sidii kor loogu qaadi lahaa bilicda magaalada.