Wasiirka Arrimaha Dibedda Taiwan Ayaa Qaabilay Wakiilka Somaliland Ee Taiwan

Wasiirka Arrimaha Dibedda Taiwan Joseph Wu ayaa ku qaabilay xarunta wasaaraddda arimaha dibadda , wakiilka Somaliland ee Taiwan Amb. Mohamed Omer Hagi.

Wasiir joseph  iyo Amb. Mohamed hagi ayaa ka wada hadlay arrimo muhiim ah ay ku saabsan xidhiidhka labada dal iyo dardar gelinta hawlaha iskaashi ee kadhaxeeya Taiwan iyo Somaliland.

Waxaana wasiirku bogaadiyey furitaanka xafiiska Somaliland ee Taiwan oo la furi doono malinta berri ah 9 bisha September 2020.